Maalmahanews.com
ERGADII XUSBIGA WADDANI OO FARO-MADHAN KALA NOQDAY KULANKII GUDIDA ODAYAASHA BEESHA HAASHIN EE ARAB
September 8, 2017 - Written by admin
 Hargaisa:(Maalimahanews) Xisbiga Waddani oo kulano Joogto ah oo lagu dardar-galinayo Xisbiga, ka dhex bilaabay Degmada Ahmed dhagax usbuucii aynu so dhaafnay.
 Waxaana ka mid ahaa kulan ay la yeeshen Gudida Odayaasha Beesha Haashin weyne ee Arab kulan kaas oo ka dhacay Guriga Odayaasha Beesha Haashin ee ku yaala Degmada Axmed Dhagax .
Kulankan waxa uu daba socday kulan hore oo gudoomiyaha Xisbiga mucaaridkaa ee Waddani uu si toosa ulla yeeshay mar uu bookhasho ku tagay fadhiga guriga Odayaasha Beesha Haashinay, isla markaana aan xiligaa waxba laysla garan balse ay salaan iyo ajiibideeda uun ahayd.
Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee ka qayb gashay kulankan ayaa kala kulmay dood adag oo kaga timi Odayaasha Gudida Beesha Haashin, qadabada Doodaasi waxay u dhigneyd sidan .
1. Inay Beesha Haashin  ee Arab ka mid tahay aas’aasayaashii xisbul Xaakimka Kulmiye
2. Inay beeshu leedahay wakhti xaadirkan xubnaha iyo xilalka ugu culus ee Dawlada iyo Xisbul xaakimka
3. Inay beeshu si buuxda u taageersan tahay horumarka iyo guulaha ay soo hooyeen xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye mudadii ay hogaanka dalka  u hayeen mayalka.
4. Waxay Beesha Haashin mawqif midaysan la wadaagtaa beelaha Arab intooda kale ee taageerada la barbar taagan xibul xaakumka Kulmiye iyo musharaxiisa Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi Dooda qodabadaasi waxay soo afjareen Codsigii taageero doona ka ahaa ee Eragada Odayaasha xisbiga wadani sideen, iyadoo keentay quus ay kala soo huleelaan kulanka ay bidayeen in waxuun ay ka soo dheefaan balse ay xaajadu noqotay hal-bacaad lagu lisay.

 

COMMENTS
Latest News