Maalmahanews.com
Diyaaradaha Droneska Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Baay ku dilay xubno Shabaab
September 7, 2017 - Written by admin

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay duqeyn ay ka fulisay Gobolka Baay ay ku dishay xubno ka tirsanaa Ururka al Shabaab, oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolka Baay.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa sheegay duqeyntaasi in lala eegtay xubno Shabaab ka tirsanaa oo qal qal ka waday Gobolka Baay, waxaana Taliska ciidanka AFRICOM uusa sheegin magacyada xubnaha Shabaabka ee la beegsaday.

Anthony Falvo oo ah Afhayeen u hadlay AFRICOM, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah, balse keliya la beegsaday saldhig Shabaab.

Diyaaradaha Drone-ska ayaa weeraro waxa ay ka fuliyan gudaha dalka Somaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Dowladda Mareykanka ay kordhisay fulinta hawlgalada ka dhanka ah Somaliya.

Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo horay loo dilay Saraakiil Sar Sare oo Shabaab ka tirsanaa.

COMMENTS
Latest News