Maalmahanews.com
Nimanka shaqadii Robert Denard mid la.mida ka dhex wada Xisbiga Wadani!
September 6, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Ardeydii Robert Denard!

Nimanka shaqadii Robert Denard mid la.mida ka dhex wada Xisbiga Wadani!

Rag badan oo ku biiray Xisbiga Wadani waa niman u shaqeysta sidii ninkii magaciisu ahaa Robert “Bob” Denard oo noolaa (7 April 1929 – 13 October 2007); Ninkaasi waxa u kolba qaadan jiray magacyo u ku hawl galo oo ay ka mid yihiin “Gilbert Bourgeaud” iyo “Saïd Mustapha Mahdjoub”. Waxa kale oo lagu xasuustaa in u diimo badnaa oo Judism, Christian iyo Islam isku maray dhamantood, sababta ku kaliftay in u kolba diingalo ay dantiisa aheyd. Waxase la ogaa in u ku soo laabtay diintisi oo Christian aheyd ugu dambeyntiina Maydkiisa laga qaaday Kiniisadii u ka tirsanaa si loogu duugo xabaalihii Kiristanka!.

Rag badan oo isbadbadel badan sida ninkan ayaa Musharaxa Cirro ku xeeran oo guul in ay u horseedi doonaan dhagaha uga buuxiya.

Magacyada ay haatan ku shaqeeyaan waxa ka mida ” Hogaamiye, Ayatulah iyo Qadaafiga maanta ee buuga cagaaran sita iyo qaar kale oo badan”.

Waxay sheegtaan in ay qabyaalada ka madhan yihiin oo ay badbaado qaran wadaan.

Waxase aan halkan ka sheegayaa in marka Guddoomiye Cirro ogaandoonaa tahay marka ay ugu dambeyn isaga dagaal adag la galaan si ay Xisbiga ugala wareegan…

 

Siciid Yusuf Aar

COMMENTS
Latest News