Maalmahanews.com
Dowladda Somaliya oo goaan ka gaartay Kiiska Qalbi Dhagax ONLF ku tilmaamtay argagixiso
September 6, 2017 - Written by admin

Kadib kulan saacado badan qaatay oo ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya ayaa waxa ay go’aan ka gaareen kiiska la xiriira muwaadinka Somaliyed ee Dowladda ay ku wareejisay dalka Itoobiya.

Xubnaha Golaha Wasiirada Shirkooda oo qaatay saacado badan, ayaa intii uu shirka socday waxaa lagu lafa guray arrimaha ku aadan Kiiska Qalbi Dhagax oo xubnaha Wasiirada Somaliya ay ka doodayeen dhiibistiisa inay sax aheyd iyo inay qalad aheyd.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaa Yariisow oo Saxaafadda kula hadlay banaanka Xafiiska Raiisal Wasaaraha dalka, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay isku raacday in ONLF ay yihiin Urur argagixiso.

Wuxuu sheegay dhiibistii Dowladda Federalka Somaliya ay dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax inay aheyd heshiis horay labada Dowladood ay u kala saxiixdeen, taasi oo uu saxiixay Mahad Salaad oo horay u ahaa Wasiiru Dowlihii Madaxtooyadda Dowladii Xasan Sheekh.

Wasiir Yariisow, ayaa sheegay ONLF iyo Shabaab inay yihiin laba Urur oo isku mid ah Dowladda Somaliyana si adag ay ula dagaalameyso.

Kiiska Qalbi Dhagax oo muddooyinkaan dambe hareeyay Dowladda Federalka Somaliya ayaa ugu dambeyn Dowladda maanta banaanka ay soo dhigtay fekerkii ay ka qabtay arintaasi.

COMMENTS
Latest News