Maalmahanews.com
Ciidamada RRU-da Oo Xalay Saq Dhexe Gurigiisa Kala Baxay Sheekh Aadan Sunne Iyo Is Rasaasayn Xalay Dhex Martay Ciidamada Iyo Dhalinyaro Difaacayay Sheekh Sunne+Sababta Xadhiga Sheekh Sunne
September 6, 2017 - Written by admin
Hargeysa(Maalimahanews)September.6,2017-Ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da ayaa xalay saq dhexe waxay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa kala baxeen Sheekh Aadan Sune oo kamid ah culimada Hargeysa isla markaan dhawaan lasoo daayay.

Waxaana ciidamada RRU-du markii ay isku dayeen inay u dataana guriga Sheekh Sunne difaac kala hor yimi dhalinyaro gadoodsan oo difaacayay sheekh Sunne,waxaana halkaas xalay ciidamada iyo dhalinayaradaas gadoodsan ku dhex maray is rasaasayn xoogan.

Waxaana dhawaqa rasaasta oo is daba jooga xalay laga maqlayay gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda uu magaalada Hargeysa ka dagan yahay Sheekh Aadan Sunne,waxaana ugu danbayn ay ciidamadu qasab gurigiisa kagala baxeen Sheekh Aadan Sunne oo dhawaan laga soo daayay xabsiga magaalada Hargeysa.

Sababta ka danbaysa xadhigan lagula kacay Sheekh Aadan Sunne ayaa salka ku haysa kadib markii uu Maalinkii Jimcaha ee Ciidda uu Sheekh Aadan Sunne masaajidka uu tujiyo ee ku yaala magaalada Hargeysa uu si adag ugaga hadlay kuna difaacay dhalinyaro 7 ah oo ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen iyaga oo maleegaya falal amniga khatar ku ah,waxaana taasi ay sababtay in ciidamadu ay xalay xilli danbe gurigiisa kala baxaan sheekh Aadan Sunne.

 

 

COMMENTS
Latest News