Maalmahanews.com
Ciidamada Dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Buurhakaba
September 6, 2017 - Written by admin

Iska hor imaadkaan ayaa dhacay xili hore ee Saaka ah waxaana la sheegayaa in ay weerar ku qaadeen ciidamada Dowladda iyo Amisom Tuulo hoos tagta Degmada Buur hakaba oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa iska hor imaad kooban wuxuu ku dhexmaray tuuladaasi Xoogaga Shabaab iyo ciidankii weerarka qaaday.

Maxamed Xasan Fiidow Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur hakaba ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom ay la wareegeen tuuladii ay weerarka ku qaadeen oo ayna ka qabsadeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Tuulada Ciidamada Dowladda ay la wareegeen ayuu sheegay Gudoomiye Ku xigeenka Buur hakaba in Al-Shabaab ay lacago ku qaadayeen sida uu hadalka udhigay, waxa uuna sheegay in si dagaal la’aan ah ay ula wareegeen.

Waxa uu sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom kolkii ay u ruqaansadeen Tuulada in Al-Shabaab ay ka war heleen kadibna ay isaga baxeen sida uu sheegay.

COMMENTS
Latest News