Maalmahanews.com
Booliska Kenya oo sheegay xubno Kenyan oo Shabaab ka tirsanaa inay ka baxeen
September 6, 2017 - Written by admin

Xubno ka mid ah Kenyan-ka ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxeen Ururkaasi, kadib markii ay isku dhaceen Hoggaamiyaha Shabaab ee dalka Kenya.

Booliska ayaa sheegay in raggaan ay go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalka Kenya kadib markii ay is khilaafeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Wargeyska The Standarmedia oo kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay ilo ka mid ah Booliska Kenya ay u xaqiijiyeen in ay jiraan xubno dhan 5 qof oo Kenyaan oo ka baxay Al-Shabaab oo hadda duurka ku jira.

Shanta xubnood ee ka baxay Al-Shabaab ayaa horay Madaxdooda waxaa dowladda Kenya ay u dul dhigtay lacag badan.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale ay waxa tilmaameen in xubnahaasi ay nolashooda ay qatar ku jirto ,Maadaama hadii ay Al-Shabaab qabtaan ay dilayaan.

COMMENTS
Latest News