Maalmahanews.com
WAA KUWEE XAYAWAANKA ADDUUNKA UGU DHUFASHADA AMA HIRDANKA KULULI IYO QAABKA AY ISKU DILAAN + SAWIRO
September 5, 2017 - Written by admin

Feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay ayaa lagu xusuustaa feertankii ugu xoogga badnaa, balse waxaa jira xayawaan ka dhufasho kulul oo xitaa isaga la tuuri karay haraanti.

Ma jiro wax ka xiiso badan oo shucuurta qofka durba kicin kara daawashada tartanada feerka, balse haddii aad rabtid in aad aragtid hardanka dhabta ah waa in aad u dhug lahaataa xayawaanka, kuwaasi oo aanan magac iyo sharaf u dagaalamin, balse dagaalkooda uu ku saabsanyahay sidii ay u noolaan lahaayeen.

Kalluun gunta badda laga heloLahaanshaha sawirkaGEORGETTE DOUWMA/NATUREPL.COM
Image captionKalluun gunta badda laga helo

Noolaha ugu dhufasho kulul adduunka waxaa ka mid ah nooc ka mid ah kalluunka ku nool badda gunteeda hoose, addimadooda hore ayay u adeegsadaan in ay ku weeraraan noolaha kale ee ay ugaarsanayaan badda dhexdeeda.

Addimihiisa waxa ay leeyihiin danab suuxinaysa noolahaas, waxaana la yaab leh sida dhufashadan ay biyaha u kala jeexeyso, iyada oo meesha ay u ekaanayso in uu qarax yar ka dhacay oo kale, waxaana ka dhasha sanqar, kuleel iyo waliba ileys.

Xitaa marka ay dadka soo qabsadaan oo la galiyo dhalo, waxaa lagu yaqaanaa in hal dhufasho oo kaliya ay ku jabin karaan dhalada.

Bakaylaha waxa uu ka mid yahay noolayaasha sida adag u hardama, waxayna ku dagaalamaan addimaha hore.

Dagaalkooda waxa uu inta badan dhacaa xiliga gu’ga oo ah xiliga ay isu tagaan.

Waxaa la aaminsanyahay in bakaylaha labka ah oo kaliya ay dagaalamaan, iyaga oo ku dagaalama dhadega ay riminayaan.

Balse cilmi-baaris cusub ayaa muujinaysa in dhedigga ay bilaabaan dagaalka si ay isaga eryaan bakaylaha labka ah ee aysan markaas u baahnayn, halkaasna waxaa ka dhasha dagaal culus maadaamaa bakaylaha dhedigga ah ay haystaan waqti aad u yar oo ay ku rimaan, sidaasi darteedna kan labka ah ay tahay in uu dadaal badan u galo in uu rimiyo.

KangarooLahaanshaha sawirkaCATHERINE JOUAN – JEANNE RIUS
Image captionKangaroo

Waxaa isna jira xayawaan kale oo lagu magacaabo Kangaroo , waxa uu ku noolyahan dalka Australia, waa xayawaan leh labo lugood oo uu ku socdo iyo gacmo uu raariciyo sida bini’aadamka oo kale, taas ayaana laga yaabaa in ay ugu wacantahay nooca uu u dagaalamo ee feertanka ah.

Waxa ay ku dagaalamaan dharbaaxo kulul , feer iyo haraanti xagga hore ah iyaga oo sababta ugu badan ee ay ku dagaalamaan ay tahay dhedigga.

Fardaha iguma waxa ay ka mid yihiin xayawaanka lagu ogyahay haraantida kulul, inkasta oo la sheegay in dameer-farowga uu ka haraanti kululyahay.

Ninka lagu magacaabo Tim Caro oo ah cilmi-baare ka tirsan jaamacadda California ayaa inta badan noloshiisa daraasad ku samaynayay dameer-farowga iyo dabeecadihiisa, wuxuuna xitaa mar sameeyay in uu gashtay dhar uu isugu ekeeysiiyay noolahan si uu ugu dhawaado.

Dameer-Farawga ayaa haraantida gama marka uu iska dhicinayo noolaha kale ee soo weerara, waxaana mar filim laga soo duubay isaga oo haraantinaya liibax, balse ma jirto wax cadayn ah oo muujinaysa in haraantidiisa loo dhinto.

Noolayaal kale sida goroyada iyo geriga ayaa la sheegay in iyaguna ay haraantamaan. Waxaa labadaba la heley cadaymo ku saabsan in ay haraantiyeen dugaag cuni lahaa oo ay dhaawaceen .

Marka aad u fiirsatid qoobabkooda adag, layaab makugu noqonayso in haraantidooda ay tahay mid xanuun badan reebta.

Haraantidooda ma ahan mid ay ugu talogalaan in lagu dhinto, balse waa mid ay doonayaan in ay ku helaan fursad ay isaga reebaan waxa daba ordaya ama soo weeraray, kadibna ku baxsadaan, hase yeeshee haddii meelaha qaarkood sida madaxa ama lafka dhabarka ay noolaha kaga dhacdo haraantida, waxa ay noqon kartaa mid ay u dhintaan.

Xayawaanka kale waxaa ka mid ah nooc shimbiraha ka mid ah oo cunta masaska , waxaana la sheegay in hal dhufasho oo ay madaxa kala hesho maska uu miyirka dhan beelayo, kadibna ay shimbirtu maska cunayso.

Shimbir iyo Dameer-FarowLahaanshaha sawirkaLAURENT GESLIN
Image captionShimbir iyo Dameer-Farow

Waxaa kale oo jira shimbiro ama haad kale oo iyaguna ugaarsada, kuwaas oo la ogaaday in addimadooda ay ku geystaan dhibaatooyin aanan laga sawaaqsan karin marka ay ugaarsanayaan ama dagaalamayaan ama noole kale iska dhicinayaan.

COMMENTS
Latest News