Maalmahanews.com
Muuqaalada sawirada horteena yaala waxay ka turjumayaan jiritaanka kasbashada cududa taageero ee xusbiga kulmiye ku hantay quluubta shacbi waynaha gobolka awdal idil ahaan ama boqolkiiba sagaashan markaad eegto sida ay ugu heelan yihiin Xusbiga kulmiye  shucuurtoodana ku muujiyeen rabitaankooda rasmiga ahi halka uu yahay.
September 5, 2017 - Written by admin

 

Hargaisa:(Maalimahanews) Muuqaalada sawirada horteena yaala waxay ka turjumayaan jiritaanka kasbashada cududa taageero ee xusbiga kulmiye ku hantay quluubta shacbi waynaha gobolka awdal idil ahaan ama boqolkiiba sagaashan markaad eegto sida ay ugu heelan yihiin Xusbiga kulmiye  shucuurtoodana ku muujiyeen rabitaankooda rasmiga ahi halka uu yahay.

Xusbiga talada dalka haya ee kulmiye oo isagu leh khibrad iyo waayo-aragnimo dhaxalsiisay inuu hanto cududa tageerayaasha umada ku dhaqan gobolka awdal ayaa taasi la odhan karaa waxa uu kulmiye ku sii durkay ama uu hayaa dhabihii guusha.

Shacbiga ku dhaqan gobolka awdal oo soo bandhigay taageerada ay u hayaan xusbiga kulmiye iyagoo sameeyay masraxiyad ay hagayso hanaan dhaqan iyo mid siyaasadeed oo gobolkaasi hibo gaara u leeyahay ayaa ahayd mid muuqaalada sawiradu ay gudbinayeen ay ahaayeen kuwo aad ka dheehan karaysid sida xaqiiqda ku salaysan ee guud ahaan gobolkaasi u soo galay gacanta xusbiga kulmiye oo aanay jirin cid kula loolami karaysaa, taasina ay farxad iyo nayaayiro ku abuurtay musharaxiintii xusbiga kulmiye iyo waftigii ay hor-kacayeen ba.

Guud ahaan hadaan iswayra waydiino habkii iyo farshaxanimadii muuqaalada sawirada oo gudbinayay xogta dhabta ah ee gobolka taala waxay ahaayeen kuwo loogu quus goynayo axsaabta mucaaridka ah oo fariimo gaara ayay xambaarsanaayeen, waana mid qofkasta oo indhihiisu qabtaan sawiradaasi uu garan karayo wakhtiga la galiyay iyo sida looga soo shaqeeyay intuba inay yihiin qaar aan la hilmaami karin nuxurka ay xanbaarsan yihiin oo ah inay gobolkaasi u hibeeyeen codkoodii iyo taageeradoodiiba xusbiga kulmiye.

Saamaynta ay muuqaaladaasi ku yeesheen xusbiyada mucaaridka ah gaar ahaan waliba xusbiga waddani ayaa ah mud ay ku rideen qulub siyaasadeed iyo khalkhal ka lumiyay majarihii ay ku wajihi lahaayeen ama ku beegsan lahaayeen baadi-goobka cududaa balaadhan ee gacanta kulmiye gashay sidii ay uga dabatagi lahaayeen taasina waxa ay ka gashay sursuur oodan.

Hadaba aan isyara waydiino sida sahlan ee uu kulmiye ku kasbaday quluubta shacbiga reer awdal, laba arimood ba way u sahashay ayaan odhan karnaa, mida koowaad waa iyadoo mudo laba cisho uun ah laga joogo xili uu xusbiga waddani soo saaray warqad wareegto lagu magacaabay gudi hawleedyo tiradoodu boqol kor u dhaaftay isla markaana ay masuuliyiinta deegaanada awdal quudhsi kula kaceen oo ay tiro ma gaydo ah ugu sunteen wareegtadaasi, taasi waa qodobka koowad, mida labaadna waxaan odhan karnaa waxa ay ahayd gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee golaha wakiilada oo hogaanka xusbiga kulmiye gaar ahaan musharax jagada madaxwayne muuse biixi uu ka hawlgalay sidii uu u noqon lahaa gudoomiye ku xigeenku xubin ka soo jeeda deegaanada gobolka awdal, tiyoo loo cugtay xildhibaankii ugu dada yaraa uguna baliiqsanaa oo rabi cod-karnimo ku galaday kana soo jeeda gobolka awdal isagoo waliba magac qadiima ku dhex lahaa cayladiisu taasina ay tahay midka labaad ee kulmiye dhaxl-siiyay helitaanka quluubta dadwaynaha reer awdal iyagoo arkay inay dantoodu ka dhex muuqato xusbiga kulmiye, isla markaana kaga dareen celiyeen cududa taageero ee sida quruxda badan u muujiyay aaminaadoodii rasmiga ahayd oo noqotay kulmiye.

COMMENTS
Latest News