Maalmahanews.com
Dhoola-tus siyaasadeed oo maanta uu xusbiga kulmiye ku soo bandhigay cududiisa taageero ee gobolka awdal ayaa ahayd mid ay ka muuqato waayo-aragnimo iyo xeel-dheeri hogaamineed oo markale uu xusbiga kulmiye ku hanan doono hogaaminta talada dalka.
September 4, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Dhoola-tus siyaasadeed oo maanta uu xusbiga kulmiye ku soo bandhigay cududiisa taageero ee gobolka awdal ayaa ahayd mid ay ka muuqato waayo-aragnimo iyo xeel-dheeri hogaamineed oo markale uu xusbiga kulmiye ku hanan doono hogaaminta talada dalka.

Sida muuqatay waxa xusbiga kulmiye u suuragashay kasbashada quluubta shacbiga gobolka awdal oo isagu ah gobol ka mida gobolada halbawlaha u ah meelaha doorashada lagu kala badiyo maadaamo sadexda xusbi mid kastaaba musharaxa madaxwayne ku xigeen gobolkaasi ka soo cugto, taasina ay ku tusayso mihiimada uu leeyahay ee ku duugan shacbiga ku nool deegaankaasi.

 

Musharaxa xisbiga kulmiye Mujaahid muuse biixi cabdi oo haatan ah musharaxa koowaad ee qudbadihiisu ugu saamaynta badan yhiin ayaa maanta fagaaraha beerta xoriyada ka jeediyay qudbad quluubtii shacbiga reer boorame xusuus ku reebtay isla markaana ay ahayd qudbad ay hagaysay kalsooni nafsi ah iyo bisayl siyaasadeed oo hoga-tusaale u ahaa heer aqooneed ama hogaamineed ee musharax muuse uu gaadhsiisan yahay,  markaad dhinaca kale ka eegtana ay tahay mid aad ka dhex arkaysay sida uu u qancin karo ama uga fal-celin karo suaal kasta ama dood kasta oo la soo darista.

 

Waxa intaas dheer oo si niyadsami iyo farxadi ba ku dheehan tahay uu maanta fagaaraha khayriyada oo ay ku sugnaayeen dadwayne aan la qiyaasi karin uu halkaa kaga dhawaaqay musharaxa xusbiga kulmiye bushaaro uu shacbiga u soo gudbiyay oo ah in kulmiye uu 12ka bishan soo bandhigayo buugii barnaamujka xusbiga ee uu ololaha doorashada ku galayay kaaso xanbaarsan barnaamuj siyaasadeed kii xusbiga, isla markaana mudo badan bulshadu u dhegtaagaysay si ay u dhugtaan nuxurka iyo qodobada barnaamujka siyaasadeed ee xiligan kulmiye iib gaynayo.

Doorashada madaxtooyada oo haatan mudo kooban ka hadhsan tahay kuna loolamayaan sadexda xusbi qaran ee Ucid, Wadani, iyo Kulmiye, ayaa xiliyadan danbe labada xusbi ee Waddani iyo Kulmiye oo iyagu si gaara isku bartilmaameedsad inta badana warbaahinta iska dura ayaad haatan mooda ama ay muuqataaba in ay aad ugu kala fogaadeen kasbashadii shacbiwaynaha cod-bixiyayaasha ah oo xusbiga kulmiye oo isagu leh aqoon iyo waayo-aragnimo uu ku soo jiito taageerada shacbiga kuna xeel0dheer qaabka loo wajaho ololayaasha siyaasiga ahi uu taniyo safarkii gobolada bariga ilaa kan maante ee galbeedka somaliland gaar ahaan gobolka awdal siiba magaalada boorama intaas oo dhan oo noqonaysa qiyaas ahaan deegaanada somaliland boqolkiiba sagaashan in safarada ay kulmiye ku kala gaala-bixinayeen ay intaba ka soo gaadheen guulo ay ku soo hoyn karaan guusha doorashada iyagoo isticmaalayay nidaam ama qaab siyaasad iyo aqoonba u ehela haday tahay aqoon dhaqameed ay ku beegsanayeen deegaanada ay marayaan ama codka ka doonayaan iyo haday tahay aqoon iyo siyaasad kale intaba waxay u isticmaalen si togan oo ay guulo ka soo gaadheen.

Xusbiga mucaaridka ah ee waddani oo isagu ku mashquulay ku soo biirista giimbaartii siyaasada oo ah masuuliyiin ay bulshadu ka daashay magacooda iyo muuqooda oo ay ka mid yihiin ismaacil yare, duur, cabdilaahi ciro, axmed jaambiir, abiib, siciid sulub, oo gabi ahaan ba Hal-abuurkooda iyo curintooda siyaasadeed ba uu yahay ka jaan-gooya Xirsi oo umadu maanta aanay dhago ba u lahayn sababo badan awgood, markaad eegto isagoo nin da’yar ahaa oo garan kariwaayay salaanka siyaasada ee aad ku soo fuushay habka qabaliga ah isla markaana aad mudo kooban ku gaadhay halkii u saraysay xajiso caqligiisu siin waayay ee soo istaagay muuse ayaan necebahay oo musharax iyo madaxwayne dalka kama noqon karo qofka garaadkiisu taa siiyay inuu yidhaa muuse ma noqon karo wax miyaa laga filayaa inuu yeelan karo curin iyo hal-abuur siyaasadeed oo uu ku hawlgalin karo giimbaarta siyaasada ee umadu ka soo daashay? jawaabta suashaasi waa maya, dhanka kale inanka isagoo xay ah la soo taagan SNM baan ahaa oo Kaare ayaa i jiidhay iyana nusqaan intee leeg bay leedahay miyaa ka sidaa la soo quturan umada wax ka iibgayn karayaa iyana waa maya.

Hadaba Xusbiga kulmiye isagu markaad eegto Giimbaarta siyaasiyiinta Waddani waxa dhigooda ah oo Kulmiye safka hore u taagan waa labeentii aqoonta somaliland oo kale ah Prof. Axmed ismaacil samater, maxamed cali bile, jamaal cali xuseen. kijaandhe, cabdicasiis samaale, ina waran cade, Cali maxamed cali (cali caliyow)  hada waa intaan xilalka haynin ee kulmiye safka hore ku jira, ragaa aqoonta iyo siyaasadu biyo dhigtay waa kuwa ku xeeran musharaxiinta kulmiye ee la jaan-goynaya siyaasada dalka lagu hagayo iyo ta guusha doorashada lagu baadi-goobayo.

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxmed axmed

COMMENTS
Latest News