Maalmahanews.com
Safarada Habeenkii gaadiidka oo laga mamnuucay Gobolka Waqooyi Bari Cabsi Shabab laga qabo awgeed
September 3, 2017 - Written by admin

Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in aan la ogoleyn in habeenkii lagu safro wadooyinka ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Sababta ayay ku sheegeen in ay tahay cabsi laga qabo dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan habeenkii beegsadda degaanada ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

Joseph Kanyir oo ah Agaasimaha howlgallada ayaa sheegay in aan lo ogolaandoonin in habeenkii ay safraan dadka Shacabka ah ee Magaalooyinka kaga yimaada Tuulooyinka Cabsi laga qabo Weeraro ay geytaan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dhaceen Saddex weerar oo Khasaare geystay intooda badan Al-Shabaab ay geysteen xilliyo Habeen ah.

Bandowga saaran qeybo ka mid gobolka Waqooyi Bari ayuu sheegay in lasii xoojin doono.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay Saddex weerar ku qaaday degaano ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.

COMMENTS
Latest News