Maalmahanews.com
SADEXDA XUSBI QARAN EE SOMALILAND SIDEE AYAY UGU KALA WAAYO-ARAGSAN YIHIIN OLOLAHA SIYAASIGA AH EE BAADI-GOOBKA HANASHADA GUUSHA DOORASHADA
September 2, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Waxa aan qormadeenan ku bilaabaynaa waa suaal odhanaysa axsaabta qaranka ee loolanka siyaasadeed ee tartanka doorashadu ka dhexeeya waa sidee aqoonta iyo khibrada ama waayo-aragnimada ay ugu kala horeeyaan habka iyo hanaanka ololaha doorasho ee ay ku baadi goobayaan kasbashada quluubta shacbiga cod-bixiyayaasha ah?

 Waxaa muddooyinkii u danbeyay lagu jiray ololeyaal aad u balaadhan, kaas oo xisbi waliba ku hawlanaa sidii ay u soo jiidan lahaayeen taageerayaal cudud laxaadle oo keeni kara guul doorashada xusbigu uu ku hanan karo hogaaminta talada dalka, isla markaana xisbi waliba balan qaadayay waxa uu qaban doono shanta sano ee soo socda marka uu ku guuleysto dooroshooyinka Somaliland ka dhici doona November 2017.

Hadaba asxaabtan qaranka ayaa iyagu  khibarad iyo waayo aragnimo  badan oo uu mid walba isleeyahay  waa sidii ugu haboonayd ee doorashada aad ku galilahayd  iyo waliba sidii ay ku hanan lahaayeen cudud tageero oo ay meel ku gaadhi karaan,

hadaba xisbiga kulmiye oo ah xisbiga  ugu waayo aragnimada badan xisbiyada Somaliland ahna xisbiga ugu waxqabadka badnaa ee soo maray JSL oo waliba ah xisbigii doorashadii dhacday June  2010-kii helay codadka Cod-bixiyayaasha bulshada somaliland 50% kaas oo mantana la filayo in codadka bulshada reer Somaliland uu helayo in kabadan 50%  markaad eegto cududiisa taageero iyo khibrada ama waayo-aragnimada ku duugan, waayo waa xisbi mudo xileedkii uu ka ariminayay ama mayalka u hayay hogaaminta talada dalka wax badan oo la taaban karo qabtay, isla markaana balanqaadyadii  uu wakhtigii uu mucaaridka ahaa umada u balan qaaday badiba qabtay kana run sheegay taasina ay noqonayso mid markale u sahlaysa kasbashada kalsoonida shacbiga.

 Haddaba waxa jiray mudooyinkan danbe xusbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xusbiga waddani inuu fagaarayaasha kaga dhawaaqayay musharaxoodu inay dalka waxaasi iyo waxaas u qabanayaan haday ku guulaystaan doorashada oo tusaale ahaan ay ugu waynayd balanqaadka uu musharax ciro ku dhawaaqay ahaa in ciidamada uu mushaharkooda si aad u saraysa u kordhin doono walibana guryo u dhisi doono.

Bal aan yara dul-istaagno balan qaadkaa  musharax ciro ka dhawaajiyay ee ciidamada uu mushaharka ugu kordhinayo.

Waxa aynu la wada soconay ama aynu garanaynaa in musharax ciro ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada mudo 12 sano ah, isla markaana sanadkasta ay hor iman jirtay ama la soo hordhigi jiray miisaaniyada qaranka oo ay ku jirto mushahaarada ciidamada qaranka isla markaana uu xaq u lahaa miisaaniyadaa inuu wax ka badalo waxna ku daro oo ah wax ka badal iyo kaabis uu golaha wakiilada ee uu shir-gudoomin jiray xaq dastuuriya u lahaayeen balse xiligaa ama mudadaa 12 sano ahi aanay ciro u muuqan baahida ciidamada qaranka oo uu xiligaaba wax ka qaban karayay haatan se markuu taladii hogaamineed ee golahaasi dibada uga soo baxay ay u muuqatay baahidii uu arki la’aa shalay markuu miisaaniyadooda duuduubka ku ansixin jiray, markaa miyaynaan odhan karin  xaajada waa WAXAAN SHALAYTO YEELAAN MAANTANA LA YAABA.

Dabcan balanqaadka musharax ciro waa dhalanteed habaabis ilmaha sabiga ahi garanyo, waliba waa mid hog.

aamin tiisana ay shacbiga reer somaliland si mug iyo miisaan ba leh u cabiri karayaan iyagoo minqiyaas ka qaadanaya sidii ay ahayd hogaamin tiisa golaha wakiiladu mudadaa xadhkaha goosatay ee uu hogaamiyaha u ahaa golahaa aan la mahadinin.

COMMENTS
Latest News