Maalmahanews.com
CUGASHADA HOGAAMIYAHA TALADA DALKA MAYALKA U QABAN DOONA WAA MID AYNU SIDEE KU XULAN DOONO
September 1, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Sida Caadada u ah shabakada wararka ee maalimaha waxay kolba diirada saarta meesha ay is tidhaa dalka iyo dadka waa u dan oo ay tooshka ku dul qabataa, oo caawa aynu diirada saari doono bal sida ugu haboon ee mudan in bulshada reer somaliland ay ku cugan lahaayeen hogaamiyaha talada dalka mayalka u qaban doona.

Ugu horayn waxa ay bulshada reer somaliland u baahan yihiin waa hogaamiye leh astaamihii hogaamiyenimo oo ah go’aan qaadasho iyo hal-adayg uu ku maarayn karo duruufaha qalafsan ee soo wajaha iyo waliba xaaladaha siyaasadeed ee la soo darsa haday yihiin kuwo ay ku gadaaman tahay duruuf adagi iyo haday tahay kuwo ay ku ladhan yihiin curintii iyo hal-abuurkii siyaasiga ahaa  ee dalka lagu jaan-goynayo siyaasadiisa horumarineed iyo waliba tiisa hogaamineed.

Hadaba waxa aan shacbigu ka hilmaami karin hogaamiyaha astaamahaas hogaamineed leh ee ay maanta xulashadooda ku heli karaan inuu u qabto mayalka isagoo noqonaya kaasi mid ka turjumi kara masayrka shaciga reer somaliland oo uu qadiyadooda iyo rabi taankooda yahay mid ku shaqaynaya.

Saaxada tartanka ee ay ku loolamayaan sadexda hogaamiye siyaasi ee ka kala socda sadexda xusbi qaran oo kala ah Waddani, Ucid, Iyo Kulmiye ayaa sadexda musharax ee kala hogaaminayaa ay kala yihiin Ciro, Muuse Iyo Faysal, oo sadexdaba ay bulshada reer somaliland mid kastaaba ay ugu suntan yihiin siyaabo kala duwan oo gaara oo ay ku qiimayn karayaan ka ay door bidayaan ee ku haboon inuu hogaanshe u noqdo kaasi oo looga baahan yahay astaamaha aynu soo sheegnay iyo waliba khibradiisa aqooneed ee dhaqan dhaqaale ee uu ku hagayo dalkan dhaqaale xumada la ildaran.

Sumada ama baadi soocda ay hogaamiyayaashan saaxada tartanka taagani leeyihiin waa kuwo kala duwan oo sooyaalka taariikheed ee siyaasada dalka ay ku kala fac-wayn yihiin oo taasina ay noqonayso mid ka mida qaabka xulasho ee hogaamiyaha loo baahan yahay, waayo waxa aanay shaqadu ama hogaamintu ka soo hadhin waa waayo-aragnimada siyaasadeed ee bisaylka iyo qaan-gaadhka hogaamiyuhu inta ay leeg tahay taasina waa mid ay aad ugu kala fog yihiin, dhamaan ba astaamaha aan soo sheegnay waxa kulan saday oo intaba aad ka arki kartaa waa mid ka mida musharaxiinta oo bulshadu iyadoo garaadkeeda cabiraysa ay uga dhex muuqataa kuu yahay hogaamiyahaasi kuna dooran doonan fartooda oo ay ugu codaynayaan maadamo waxa ay bulshadu tabaysaa ay tahay hogaamiye leh dhamaan astaamaha aan kor ku soo xusnay.

COMMENTS
Latest News