Maalmahanews.com
Muwaadin Somaliyed oo isku dilay dalka Qubrus
August 31, 2017 - Written by admin

Muwaadin Somaliyed oo ku noolaa Magaalada Larnaca ee dalka Qubrus, ayaa lagu soo waramayaa inuu halkaasi isku dilay, kadib markii loo diiday sharciga dalkaasi.

Wiilka Somaliga ah ee is dilay ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 18-sano jir, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Dahir , sida Booliska ay xaqiijiyeen.

Booliska ayaa sheegay Maxamed Daahir inuu is dilay 29-kii Bishan, kadib markii Dowladda ay xaqiijisay inaysan siineyn sharciga dalkaasi.

Cabdalla Axmed oo ka mid ah Somalida ku nool dalkaasi, ayaa u xaqiijiyay Idaacada VOA, dilka wiilkaan Somaliga ah uu isku gaystay.

Muwaadiniin badan oo Somaliyed oo qaab tahriib dhib badan ku taga dalalka Qurbaha, ayaa la kulma dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee ku aadan in sharciga loo diido, taasi oo keenta in ruuxa uu is dilo ugu

COMMENTS
Latest News