Maalmahanews.com
WARQAD LAGU MAGACAABAY GUDIYO TIRO BADAN OO MADAXDII XUSBIGA WADDANI KA DHEX-ABUURTAY KHILAAF CIRKA ISKU SHAREERAY
August 30, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Waxa kulan muhiima Caaawa yeeshay madaxda Xisbiga Wadani tiyoo kulankoodasi uu daaranaa warqad qoraal ah oo lagu magacaabay gudiyo loo magacaabay hayadaha Xisbiga, gudidan oo tiro ahaan gaadhaysay in ka badan boqol xubnood.

Waxa uu madaxa ololaha  Xisbiga Wadani qiray in qalad ay galeen xubno xisbiga ka mid ah oo uu hor-kacayo Xoghayaha guud ee xisbigu, taas oo ahayd warqadan habka saami qaybsigeeda, oo ay qawadeen deegano badan oo laga taageeri jiray Xisbiga Wadani.

Si kastaba ha ahaate waxa eeda warqadan muranka badan dhalisay iska fogeeyay ogaan shaheeda, Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Mudane C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, in aan laga talo-gelin waxna aanu ka ogayn

Waxa sidoo kale dalka ka maqan Hogaamiyahii Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Gudoomiyahii Xisbiga Ahna musharaxa jagada madaxwayne ee xisbigaasi Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) walaw saxeexiisi la adeegsaday isaga oo dalka dibadiisa ku maqan

Waxa ay dhalisay warqadan kooxda gaarka ah  ku soo qortay goobta gaarka ahi khilaaf xoogan oo masuulyiinta gobolada qaarkood kaliftay inay warbaahinta ka hadlaan isla markaana canbaarayn iyo eedo dusha u saaran hogaanka guud ee xusbiga taasina ay tahay mid astaan u noqonaysa wada shaqayn la’aanta masuulyiinta xusbigu ku sugan yihiin taas oo keentay  kacdoon ka dhex abuurmay Madaxda Xisbiga iyo taageerayaashoodii

COMMENTS
Latest News