Maalmahanews.com
Ururka ay ku midoobeen Dhalinyaradda Degmada Yagoori oo ka Tirsan Gobolka Sool ayaa ku biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyaga oo sheegay in Xisbiga KULMIYE wakhtigan yahay Xisbiga kaliya ee lagu aamini karo dalka.
August 30, 2017 - Written by admin

Ururka Dhalinyaradda Samawade ee Deegaanka Yagoori oo ku biiray Xisbiga KULMIYE.

Ururka ay ku midoobeen Dhalinyaradda Degmada Yagoori oo ka Tirsan Gobolka Sool ayaa ku biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyaga oo sheegay in Xisbiga KULMIYE wakhtigan yahay Xisbiga kaliya ee lagu aamini karo dalka.

Munaasibada si heer sare ah loosoo agaasimay oo loo sameeyay soo dhaweynta Ururka Samawade ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirul Dawlaha Beeraha Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Wasiirku xigeenka Cadaalada mudane Yuusuf Axmed,iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Dalxiiska.

Geesta kalenna Waxaa Xafladani goob joog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool Gobolka, Duqa degmada Laascaanood kuwaasi oo dhalinyaradda Ururka SAMAWADE uga mahadnaqay Taageeradooda Xisbiga KULMIYE .

Image may contain: 3 people, people smiling, beard
Image may contain: 14 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing
Image may contain: 18 people, people smiling, crowd and outdoor
Image may contain: 1 person, on stage
+13
LikeShow more reactions

Comment

COMMENTS
Latest News