Maalmahanews.com
MUQDISHO IYO ONLF(UBO) WAA ISKU TEAM HARGEYSA IYO JIGJIGINA WAA ISKU TEAM. FARMAAJO WELI WUXU TAAGAN YAHAY 1977KII+MUJAAHID CALI GURAY.
August 30, 2017 - Written by admin

Muqdisho iyo ONLF(UBO) waa isku team Hargeysa iyo Jigjigina waa isku team. Farmaajo weli wuxu taagan yahay 1977kii markii dagaal aan wax u jeedo ah laga lahayn uu Siyaad Barre ku qaaday Itoobiya. Somalida Itoobiya casharkii ay ka barteen dagaalkaasi waa ka maanta ay dantoodii garyeen ey ku noqdeen qoomiyad soomaaliyeed oo ka mid ah qoomiyadaha Itoobiya. Hadda ogow ninka maanta u buaya Itoobiya wuxu moog yahay in aanay xabashiba is helayn ee Soomaali ka quwad badan ay fooda isdari soobaan. Boqol milyan oo qof ayay soomaalida Itoobiya ka mid yihiin.
Tolow ma Yugaandhiiska iyo Riwaandhiiska ayuu moodayaa inay yihiin cudud uu isagu leeyahay. Jigjigi xadka Somaliland waxay u jirtaa wax ka yar 40 mayl matka Togwajaale laga qaado hadii kalena waabay uga sii dhawdahay.
MujaahCali Guray

COMMENTS
Latest News