Maalmahanews.com
SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SUBEER-AWAL OO MADAL ILYARTU IS QABATAY KAGA DALBADAY IN AY CODKOODA SIIYAAN XISBIGA…
August 29, 2017 - Written by admin
 …

Maalimahanews:- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ka dalbaday dadku ku nool Gobolka Awdal  in ay u codeeyaan Xisbiga Kulmiye.

Hadalkan ayaa Suldaanku ka yidhi madal lagu caleemo saarayay Suldaan Beesha Xeebjire ee Samaroon. Waxaanu Suldaan Xasan ka dalbaday reer Awal in ay maanta codkooda u hibeeyeen xisbiga talada haya ee Kulmiye,

Muddooyinkii ugu dambeeyayba Suldaanka guud ee beesha Subeer-awal ayaa wadday qorshe cod loogu raadinayo Musharax Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS
Latest News