Maalmahanews.com
Midowga Yurub iyo dalalka Afrika oo xal ka gaaray Tahriibka
August 29, 2017 - Written by admin

Wadamada France, Germany, Italy iyo Spain ayaa sheegay inay dalalka Chad iyo Niger ka caawin doonaan qorshe lagu xakameenayo dadka Tahriibta ku yimaada dalalka Yurub.

Shirka looga hadlayey Tahriibta oo uu marti geliyey Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa shalay ka dhacay magaalada Paris, wafuuda ka timid Afrika ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyayaasha dalalka Chad, Niger iyo xukuumada caalamka ictiraafsan yahay ee Liibiya.

Kulankii Paris ayaa laga soo saaray qorshe cusub oo la sheegay in lagu dhisi doono xeryo qaxooti oo laga hirgelinayo dalalka Chad iyo Niger, halkaasi oo marka hore lagu qaabili doono dadka Tahriibta ah ee doonaya inay galaan Yurub.

Xarumahaasi oo lacagta ku baxeysa ay bixin doonaan dalalka EU-da ayaa waxaa maamuli doona Qaramada Midoobay, waxaana lagu diiwaangelin doonaa Tahriibayaasha, kadibna kuwa baahida ugu weyn qaba ayaa si sharci ah loogu qaadi doonaan dalalka Yurub oo qeybsan doona Qaxootigaasi.

COMMENTS
Latest News