Maalmahanews.com
Daacish oo sheegtay inuu askartooda ka mid ahaa nin Somali ah oo weerar ka fuliyay Brussels
August 27, 2017 - Written by admin

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in ciidankooda uu ka mid ahaa nin Somali ah oo weerar ka fuliyay Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka, sida lagu Daabacay Warbaahinta wararka u faafisa Daacish.

Daacish ayaa sheegtay ninka weerarkaasi fuliyay inuu ka mid ahaa Xoogaga Daacish ee ka howlgali jiray dalka Belguim-ka.

Ma aanay sheegin magaca shaqsigaan, balse waxaa la sheegay ninka weerarka fuliyay inuu ahaa Somali 30 jir ahaa, kaasi oo muddo ku noolaa dalka Belguim-ka.

Sanadkii 2004 ayuu tagay dalkaasi, wuxuuna qaatay dhalashada dalka Belguim-ka sanadka markii uu ahaa 2015-kii.

Somalida ku nool Magaalada Brussels ayaa waxaa soo foiod saaray walaac la xiriira falka uu gaystay ninkan Somaliga ah.

COMMENTS
Latest News