Maalmahanews.com
Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Saaka Hawl Gal Ay Ku Raafayaan Dadka Ajaanibka Ah Ka Bilaabay Gudaha Magaalada Hargeysa
August 27, 2017 - Written by admin
 

Hargeysa(Maalimahanews)Ogosto.27,2017-Ciidamada Laanta socdaalka Somaliland (Immegration) ayaa saaka hawl gal balaadhan ka bilaabay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Ciidamadan oo wata gaadiidkooda ayaa waxay suuqyada Hargeysa saaka ka gurayaan dadka ajaanibka ah ee sifada sharci darada ah kusoo galay dalka,iyaga oo ugu horeyn ciidamadu dadka ajaanibka ah waydiinayaa warqadii dal kusoo galka iyo daganaanshaha Somaliland.

Waxaana qofkii aan wadan ay u qaadayeen xaruntooda,waxaana dadka ay saaka ciidamadu raafayaan aad ugu badan qoomiyada Oromada oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Itoobiya kuwaas oo si qarsoodi ah dalka kusoo gala Isla markaana iskugu jira Ragg iyo Dumar,sidoo kale waxa kamid ahaa dadka dhalasho ahaan kasoo jeeda Yamen,Masar,Hindiya  oo iyagu ka shaqaysta dalka balse qaarkood aanay haysan warqadii daganaanshaha (Qoxuuntiga),waxana ciidamadu saaka ay goobo ganacsi ka kaxeeyeen dad ajaanib ah oo aan haysan warqadaasi.

Sidoo kalena wararka waxay sheegayaan in ciidamadu ay saaka taagan yihiin Kaantaroolada bariga iyo galbeedka Somaliland,iyaga oo halkaasi dadka ku waydiinaya kaadhka dhalashada Somaliland,sidoo kalena gaadiidka ka dajinaya dadka ajaanibka ah ee saaran ee aan haysan warqadaasi oo ay bixiyaan wasaaradda dib u dajinta Somaliland iyo laanta socdaalka Somaliland.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidamadan Laanta Socdaalka Somaliland ay hawl gal noocan oo kale ah ka fuliyana gudaha Somaliland.

 

 

COMMENTS
Latest News