Maalmahanews.com
AKHRI:— WASIIRKA MADAXTOOYADA OO HANBALYO U DIRAY GUDOOMIYE KU-XIGEENKA KOOBAAD EE GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND
August 27, 2017 - Written by admin

 

Hargeysa  (Maalimahanews.com) Doorashada Saaka Dhacday Waxay Ahayd Tartan Nadiif Ah, Waxaan Bogaadinayaa Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Mudane Axmed Yaasiin Ayaanle.

Golaha Wakiilada doorashii saaka ka dhacday ee loo tartamyey Kursiga Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha, waxaan ku bogaadinayaa Golaha Wakiilada tartankii fiicnaa ee bisaylku ka muuqday ee saaka golaha ka dhacay, iyadoo ay doorashii horena runtii ay si mudakarnimo leh u galeen wixii hadal soo baxay oo aan fiicnayna bani-Aadamku waa qaldami karaa ee gadaal iska dhaqdhaqeen raggu waxay ahayd runtii wax weyn.

Waxaynu nahay Qaran muddo dheer soo jiray dhawr iyo labaatan sanno ah oo gaamuray, oo geedi socodka dimuqraadiyadu aanay ku cusbayn, waa siyaasad wuxu, waa la kala adkaada waa laysu tanaasulaa bisaylka waxa ka mida in la aqbalo natiijooyinka, guul darada siyaasadu ceeb maaha, laakiin waxa ceeba inuu ninku natiijada qaadan waayo, Golaha wakiilada tartankii hore ee gudoomiyaha ka dhacay tartan fiican buu ahaa anigu maalin horaan ka hadlay, waxa se dhaawaca hadaladii dambe ee kasoo baxay, Maxkamada dastuuriga ahina qaraar bay soo saartay in la ixtiraamo Maxkamada weeye haybad bay leedahay, Waxaan leeyahay runtii dhammaan arrimahaas xagtimihii gadaal ka dhacay waanu ku bogaadinaynaa hadii Xisbiga Waddani iyo Madaxdiisu saxeen oo ay garwaaqsadeen inay tanaasulaan oo ay u hogaansamaan go’aamadii gollaha iyo go’aamadii Maxkamada iyo dareenkii golaha guurtida intaba.

Arrinta saaka dhacdayna waxay ahayd tartan nadiif ah, Waxaanan runtii bogaadinayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin, doorashada loo doortay waan ku bogaadinayaa, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu xilkaa ku garab galo, Axmed Yaasiin waa nin fir-fircoon oo dhalinyaro ah, waxaan rajaynayaa inuu ku soo kordhin doono shir-gudoonka golaha wakiilada firinfircooni cagan-yare wanaagsan u noqon doono guddoomiyaha, Gudoomiyaha waxaan ku bogaadinayaa siduu shirka u hagay, mudanayaasha waxaan ku bogaadinaynaa bisaylka ka muuqday, waxaan kale oo bogaadinayaa mudanayaashii la tartamayey ee iyaguna aan saaka guulaysan ragganimaday muujiyeen iyo geesinimada ay muujiyeen iyagana waan ku bogaadinaynaa.

Golaha Wakiiladuna wax weyn bay ahayd inuu maanta aqlabiyad weyn ku kala badiyaa waxay ahayd wax qiimo leh, maalintii hore ayuu muran soo baxay, maanta inuu xoog u kala fogaadaa waa wax weyn, hambalyo ayaan leeyaahay iyadana runtii, Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE-na gaar baan u bogaadinaynaa Kulmiyihii la arki jiray baan leenahay saaka, aad baa mahadsan tihiin.

 

Alla mahad leh.

Guul Somaliland.

COMMENTS
Latest News