Maalmahanews.com
MUSHARAX CIRO OO KHILAAFKII GOLAHA WAKIILADA EE HAL-XIDHAALAHA NOQDAY LA FURI KARIWAAYAY ISAGII XIDHAY DIB UUN U FURAY + CALAAMATUL SUAAL BAASHE DULTAALA
August 26, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Sida aynu la wada soconay waxa mudooyinkan danbe walaac iyo warwar wayn bulshada reer somaliland ku hayay khilaafkii ka curtay kursigii gudoomiye ciro baneeyay ee doorashada ay ugu tartameen labada xildhibaan ee baashe iyo talyanle oo sida golaha dhexdiisa laysugu bogaadiyay ahayd inuu baashe helay balse maalinta habeenimadeedii goor cawaysina uu talyanle warbaahinta la hor yimid inuu isagu helay oo uu gudoomiayaha golaha yahay.

Arintaa oo bulshada reer somaliland gabi ahaan ba warwar ku abuurtay ayaa gaadhay heer rasaas golaha laga dhex rido iyadoo xaalada guud ee abniga wax wayn u dhimi gaadhay isla markaana xusbiga waddani ee uu ka tirsan yahay talyanle musharax ciro na gadhwadeenka ka yahay ay soo istaageen in talyanle gudoomiyaha golaha yahay halka waliba xilidhibaano kulmiye ahina ay u codeeyeen oo ay ka codeeyeen baashe oo kulmiye ah balse xildhibaanada ka codeeyay ay ku dacwiyayeen inuuna kulmiyena aamin sanayn ee uu labada xusbiba yahay isla markaana ay codkooda kii ay islahayeen wuu ku haboon yahay siiyeen waa siday ku andacoonayeene.

Hadaba khilaafkii kursigaa ka curtay oo ay ergo ka galeen Musdanbeedka abwaanada dalka kuwoogii ugu cisiga iyo sharafta badnaa ayaa maarayn kari waayay oo iyagu noqday ergo lagu soo gacan saydhay isla markaana umada u sheegay in ergadoodii la diiday oo waliba baashe diiday, waxa iyana sidoo kale dhacday in gudoomiyaha golaha guurtida oo ah gudoomiyaha aqalka dalka ugu sareeya aalabana khilaafadka noocaasa dhexdhexaadin ka gali jiray uu sidii caadada ahayd ergo ka galay khilaafkaa oo isna lagu soo gacan saydhay isla baashe uun uu ahaa shaqsiga gudoomiyaha guurtidana ergadiisa diiday.

 

Waxa marqudha indhahii iyo dhagihii bulshada caawa ku soo dhacay khilaafkii ahaa hal-xidhaalaha la furi kari layahay oo khabiirkii marka hore xidhay hal-xidhaalahaasi uu haatana isagii furay taasina ay baashe calaamatul suaal dul saartay oo ergo diidkii iyo aqbalka ciro ay noqdeen kuwo aad ay bulshadu wax isaga waydiinayeen sababta dhabta ah ee ka danbaysay arinkan ugubka ku ah siyaasada dalka ee jahawareerka ku noqday umada ee uu baashe u diiday ergadii birmagaydada ahayd iyo waliba aqbalka sahlan ee musharax ciro uu ku soo afjaray khilaafkaas isla markaa waxa iyana suaal dul taala muuqalka sawirka ku kooban masuuliyiintii ugu saraysay waddani iyo baashe oo qudha taasi markaa miyaanay u muuqan mid meel ay wax wada dhigteen baashe iyo kaadiriinta waddani ee maanta muuqaalkeedu uu ina horyaalo.

COMMENTS
Latest News