Maalmahanews.com
XUSBIGA WADDANI OO SOOYAALKII TAARIIKHEED EE HALGANKII SNM’ KU NOQDAY LAF-DHUUNTA U TAAAGAN
August 25, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Siyaasiyiinta xusbiga wadani oo fagaare kasta la taagan dalka waa loo soo wada halgamay kadib markay baadi-soocda sooyalka taariikheed ee halgankii SNM meelna ka soo gali-waayeen wallow xirsi isaga indho-adayg awgii sheegto inuu ahaa SNM oo waliba Kaare Jiidhay.

Idil ahaan siyaasiyiinta ku bahoobay xusbiga waddani oo iyagu intooda badani ahaayeen wasiiro xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka ka soo talinayay, iyagoo aan midkoodna lahayn taariikh umadu ku xusuusato oo aanay wax raada oo togan kaga tagin xilalkii wasaaradaha ay soo maamuli jireen oo hadii aad mid mid u eegto ay noqonayaan kuwo bar madaw wada dul taalo, badina wasaarada arimaha gudaha ay soo maamulen balse mid kasta xilka wasaaradaasi taariikh xumo ay kaga tageen.

Xusbiga waddani iyo siyaasiyiintiisa oo ay kku adkaatay daadafaynta taariikhda mujaahidiinta Snm kadib markay arkeen musharaxa xusbiga kulmiye oo bulshadu ay galad wayn ugu hayso naf hurkii halgankii dibu xoraynta dalka taariikhda uu ku lahaa oo noqotay mid saamaynta ugu wayn ku yeelatay ololaha doorasho isla markaana ay cuqdad nafsiya ka qaadeen hadal haynta erayga Mujaahid.

Markaad eegto siyaasiyiintan Xiliyadan danbe ku sii socda waddani oo badidoodu ahaa xubno ka tirsanaa rijiimkii nidaamkii siyaad bare ee shacbigan reer somaliland xasuuqa ba’an u gaystay isla markaana ay badiba naanayso lagu tilmaansado ku lahaayeen, sababta ay gaboodka uga dhiganayaan waddani na ay tahay mid musharaxa xusbigaasi ay meel ka soo wada jeedeen oo laftiisu ahaa safiirkii ruushka ee siyaad bare tiyoo dalkiisii iyo dadkiisi xasuuq ku socdo halka cabdilaahi ciro isna uu ahaa taliyihii godka ee jidh-dilka iyo ciqaata wax-garadka iyo aqoon-yahanka reer waqooyi lagu ciqaabayay uu xiligaa haystay haday ismaacil yare tahay na uu ahaa isagu macruuf jaajuusnimo rijiimka ugu shaqeeya, waxa intaa dheerayd cabdilaahi ciro inuu ahaa basaasintii ruug cadaaga ahayd oo hadaad dib u milicsato hawlgaladii qaar uu fuliyay waxa ka mid ahaa baadhistii dilkii axmed aadan oo isagu baadhistaa madax ka ahaa xamar laga soo diray isla markaana rag aan waxba galabsan uu u xidhixidhay badhkoodna laba laayay, arimahaas oo dhami waa kuwo ku kalifaya inuu damqo magaca Snm iyo ereyga mujaahidba, axmed jaambiir oo isagu snm sheeganayaa waxa uu xamar ka yimid waa 1989ki oo dadka iyo dalkuba leedeen isla markaana intaa dagaalada iyo halganka ba lagu jiray ku sugnaa xamar.

Marka laysu wada geeyo xusbiga waddani iyo taariikhda halganku waxay isku yihiin laba isku cadaw ah oo waliba waddani ayaa isagu ah ka bayrta ka qaba balse xusbiga kulmiye oo isagu asal ahaan saraakiishiisa iyo musharaxoogu ba yihiin Mujaahidiintii naftood hurayaasha ahaa maaha kuwo ujeeda xusbigan waddani ee taariikhda halganku luqma-taxajarka ku noqotay oo waxay taagan yihiin ama diyaar u yihiin waa doorasho xor ah iyo saaxad nadiifa oo tartan qurux badani ka dhaco taas oo bulshada reer somaliland na ay tahay midka uu kulmiye kaga kasbanayo cududa taageero ee cod-bixiyayaasha.

COMMENTS
Latest News