Maalmahanews.com
QARAX KA DHACAY ITOOBIYA TIRADDA DHIMASHADA OO WARBAAAHINTA WADDANKAASI SHAACISAY IYO WARARKII UGU DAMBEEYAY
August 25, 2017 - Written by admin

Maalimahanews:- Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday garnayl oo ka dhacay magaalada Jimma ee gobolka Oromia.

Weli ma cadda cidda weerarka qaadday.

5 maalmood oo mudaaharaad ah ayaa gobolka looga dhawaaqay, kaasoo looga soo hor jeedo canshuurta lagu kordhiyey ganacsiyada yaryar, iyo xidh xidhida  siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Meelaha qaarkood wuu ka hirgalay mudaaaharaadkani, ayadoo dukaamada la xidhay, gaadiidkana uu joogsaday.

Qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ayaa la sheegay in waxyeello loo gaystay.

Mudaharaadyo lagu dhintay oo ka dhacay gobollada Oromia iyo Amhara ayaa horseeday in la soo rogo sannadkii hore xaalad degdeg ah. Horraantii bishan ayaa la qaaday.

Ma jirto wax Soomali ah oo Dhimashadooda la Cadeeyay

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda goobahaasi wali kacsan tahay.

COMMENTS
Latest News