Maalmahanews.com
MUJ: CALI GURAY’ ADIGU MIYAAD SHARAXAN TAHAY OOD COD NA WAYDIISANAYSAA?
August 25, 2017 - Written by admin

Hargaisa:(Maalimahanews) Mujaahid Cali guray ayaa ka faalooday koox muuse la colaw ah isla markaana kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan.

Ninkii hadlayaaba ha iska hadlo hebelada Muuse-diidka ah ee weliba Muuse ay isku haybta yihiin waxba kama dhimi karaan taageerada Muuse Biixi uu ka haysta codbixiyaha Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan ka reerkiisa. Waayo Muuse isaga ayaa codkooda waydiisanaya oo musharax ah. Ka leh ha siinina Muuse codkiina jawaabtiisu waxay tahay “ADIGU MIYAAD TAHAY MUSHARAX OOD COD NA WAYDIISANAYSAA?” Iyo maya iyo hadaba ka bax hadii aanad adigu cod naga doonayn ka na waydiistay baanu siinaynaaye.
Hebelo xisbi ku biiray inooma cusba kuwa Muuse ay isxigaan oo Waddani ku biiray iyo kuwo ay Cirro is xigaan oo Muuse taageersan labaduba way jiraan waana caadi ee yaa yidhi Sacad Muuse waxay dhegeystan hebelada la yaqaan. Kuwa ugu mudan ee la buunbuuninayaa saw maaha
ISMAACIIL AADAN
ABIIB DIIRIYE
CABDILLAHI CIRRO
AXMED JAMBIIR
Cidda ay ku qancin karaan ka taga Muuse Biixi oo Cirro taageera tolow waa’ ayo inteese ayay tiradoodu noqon kartaa? Anigu waxan leeyahay waa faro ku tiris ee bal isku kaayo eega marka Kaambaynku bilawdo ee ninba ceesaantii ceel-keeno. Tan kale hankooda waan ogahay oo waanu ka sheekaysanay waxay talo ku mooseen in aan Muuse Bixi dalka ka noqonin Madaxwayne. Mid keliya oo iyaga ka mid ah ayaa igu yidhi ” aniga Cirro iyo Muuse Cirro ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha iga dhigi kara eh Muuse miyuu iga dhigi karaa?”. Markaa ninkaasi halkii uu is yidhi mansab ayad ka heli kartaa ayuu doontay waana war cad kiisu.

Tollow hadii ay tooda noqon waydo uu Muuse Biixi Madaxwayne ka noqdo Somaliland maxa u merl yaala. Dee malaha qaar baaba tahriibi qaarna Muqdisho ayay haybsan ilayn dal Muuse Biixi Madaxwayne ka yahay inay joogaan ma doonayaane.

COMMENTS
Latest News