Maalmahanews.com
FADLIGA TOBANKA HORE BISHA DULXAJ FADLIGA TOBANKA HORE BISHA DULXAJ
August 25, 2017 - Written by admin
FADLIGA TOBANKA HORE BISHA DULXAJ FADLIGA TOBANKA HORE BISHA DULXAJ

August 25, 2017 – Written by Hangool

Maalimahanews:- Biisha Dul-xaj waxey ka mid tahay Bilaha Xormada leh , waxeyna lagaar tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo Camalo waa waweyn.

Waxaana uu Allah Bishaan maalmaha ugu horeeya ku sheegay in ay aad u Fadli badan yihiin welibana waa uu ku dhaartay taasoo tuseya Weynida Tobanka Habeen ee u horreaya Bishaas.

Allaah wuxuu ku dhaartay tobanka maalmood

wuxuuna yiri : {وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ } ibnu cabaas wuxuu yiri: waa tobanka maalmood ee thul xijah .

Wuxuu yiri nabigeenii Muxamed SCW maamlo ma jiraan acamaasha uu allaah ka jacel yahay tobankaan maalmood ee Dulhaj .

Hadaba ruuxa muslimka ah waa inuu ka Faa’iideystaa maalmahaan
ugu horeeya Bisha Dul-Xaj oo uu sameeya acmaal wanaagsan gaar ahaan acmaasha fadliga badan sida :

  1. salaadaha waajibka ah oo loo kalaho waqti hore laguna tukado jameecada iyo in la badsado salaadaha sunadaha ah .
  2. in la soomo sagaalka maalmood qofkii awooda ,[Nabigeeni muxamed ahaa SCW wuxuu soomi jiray sagaalka maalmood ee thul xijah iyo caashuuraa iyo saddax maalmood bil kasta .
  3. Si gaar ah in loo soomo maalinta sagaalaad waayo Soomka Maalinta sagaalaad (carafo) aad ayuu u fadli badan yahay, waxaana lagu dhaafaa dunuubta Sanada la soo dhaafay iyo sanada soo socoto .

Nabiga Maxamed (SCW) waxaa uu sheegay ineysan jiran Maalmo uu illaah (CW) Camalka Suuban ka jecel yahay Tobankaan Maalin.

Waxaa Rasuulka Saxaabada weydiisay Xataa maka Fadli Badan yahay Jihaadka loo galo Illaah Dartiis.

uu ku jawaabay Rasuulka(SCW): Xataa Jihaadka loogalo illaah Dartiis, marka laga reebo Ruux Labaxay Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan midna kala soo noqon.

COMMENTS
Latest News