Maalmahanews.com
”MASUULIYIIN HOR LEH OO XUSBIGA WADANI HADDA ISKA CASILAY
August 24, 2017 - Written by admin

Hargeysa(Maalimahanews)Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbigaasi.
Masuuliyiintan oo kala ah madaxa sayniska iyo technology-yada ee xisbiga Waddani Ibraahin Daahir Dubad, Xoghayaha gaashaandhiga xisbiga Khadar Cismaan(Budle) iyo xoghaye ku xigeenka arimaha bulshada Hinda Xasan Idiris.

Masuuliyiinta oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay iska casileen xilka iyo xubinimada xisbiga, iyaga sheegay in sababaha ay iska casileen ay tahay inuu xisbigu ka leexday hadafkii siyaasiga ahaa ee ay ku wada socdeen,taas oo ay tilmaameen inay ku khasabtay inaanay ka sii tirsanan Karin

xisbiga Waddani.
Waxa kale oo ay tilmaameen inaanay xisbiga Waddani wadaagin wax afkaar ah isla markaana madaxdiisu ay ka tageen hadafkii ay ku wada socdeen oo ay sheegeen inuu ahaa mid lagu badbaadinayo dalka Somaliland.

131 total views, 131 views today

COMMENTS
Latest News