Maalmahanews.com
Turkiga oo ciidamo u soo diray Somaliya iyo Saldhiga cusub ee Turkiga dhisay oo dhawaan la furaayo
August 23, 2017 - Written by admin

Ciidamo ka socda dalka Turkiga ayaa la sheegay inay soo gaareen Magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaa n Bisha September ee fooda inagu soo haysa si rasmi ah loo furaayo Saldhiga Turkiga uu ka dhisay Muqdisho.

Saldhiga Turkiga uu ka dhisay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu tababari doonaa ciidamo ka mid noqonaya ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Ciidamadan oo Turkiga Somaliya u soo diray ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 200 oo askari, waana tababarayaal ka tirsan Dowladda Turkiga oo tababari doona Ciidamada Somaliya.

Cemal Cevap oo  ah Cilmi bare ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Turkiga hawlgalkeeda Somaliya ee lagu tababaro Ciidamada Somaliya uu shalay  billowday.

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu wada ain la furo Bisha September ee soo socota, waxaana la filayaa in lagu tababaro 10,000 oo askar Somali ah.

Saldhigan waxaa dhismihisa ku baxday $50milyan oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana ay bedkiisa uu la eeg yahay 400M, kaas oo markiiba ay ka qalin jebin karaan 1,500 Askari.

COMMENTS
Latest News