Maalmahanews.com
Dakadda Berbera oo laga dhoofinaayo Hal milyan oo Xoolo ah oo loo wado dalalka Khaliijka
August 21, 2017 - Written by admin

Masuuliyiinta Dakadda Berbera iyo kuwa maxjarrada xooloaha ee ku yaalla magaalada Berbera ayaa sheegay in sannadkan waqtiga Xajka dartiis ay filayaan inay dhoofiyaan xoolo nool oo gaaraya illaa hal milyan oo neef.

Xoolahan ayaa badankooda ku socda dalka Sacuudi Carabiya oo illaa saddex milyan ruux la filayo inay u tagaan gudashada Waajibka Xajka iyo Ciidda Carafo.

Xoolaha ayaa waxaa dhoofintooda wada saddex maxjar oo ay maalgaliyeen ganacsato Carab ah iyo kuwo Soomaali ah.

Axmed Xaaji Cabdullaahi oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha ee Soomaaliland ayaa sheegay in wadamada Cumaan, Imaaraadka iyo Yemen sidoo kale xoolo loo dhoofinayo.

“Illaa hadda in ka badan 700,000 neef oo ari lab ah ayaa la dhoofiyay, welina way socdaan.” ayuu yiri Axmed Xaaji.

Dekedda Boosaaso ayaa sidoo kale xoolo dhoofinta ay ka socotaa, iyadoo tiro badan oo xoolo u badan ari ay ka soo galeen deegaanada kala duwan ee Soomaalida.

COMMENTS
Latest News