Maalmahanews.com
DAG DAG:- XARUNTA GOLAHA WAKIILADDA SOMALILAND OO CIIDAMO TIRO BADAN LA SOO DHOOBAY IYO XAALADDA HALKAASI
August 20, 2017 - Written by admin

Maalimahanews:- Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland ee Hargaysa ayaa waxaa maanta la filayaa in ay isugu yimaadaan Xildhibaanadda taageersan Guddoomiyaha Muranku ka taagan yahay ee Baashe Maxamed Faarax, kuwaas oo sheegay maalintii shalay ahayd in la dooran doono Guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

Dhinaca kale waxaa iyaguna ku gacan saydhay arrinkani Xildhibaanadda Taageersan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo sheega in Guddoomiyaha Golahaasi yahay Talyanle waxaanay ku goodiyeen haddii Golaha arrinkan la horkeeno in ay dhici-doono waji ka duwan kan hadda maaraha loo la,yahay ee goluhu dhex maquuranayo.

Arrinka muranku ka taagan yahay ayaa ah ee saaka  lay waydiinayo Golaha haddii uu isku yimaado ma waxaa shir guddoomin doona Baashe Maxamed f=Faarax mise Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

Ciidamo bilaysa oo ilaaliyaa nabadgalayadda ayaa golaha la keenay waxaa la baadhayaa cid kasta oo galaysa golaha.

Lama saadaalin karo waxaa uu ku bilaabmi doono kalfadhigani, xili labada garaba ay taradda xildhibaanadoodu yihiin qaar is ceshanaya

Ciidanka Booliska ayaa Xooga saaraya  in aan wax rabshad ahi ka dhicin Goahan xilna iska saaray sugida amniga gooban oo xaaladeedu midi midi ku taag marayso

COMMENTS
Latest News