Maalmahanews.com
Sacuudiga oo Diyaarado soo daabula Xujeyda Qatar u diraya dalkaasi
August 17, 2017 - Written by admin

  

3.2kShares

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Binu Cabdi Caziiz ayaa sheegtay in laga cafiyay xujeyda Qatar u dhalatay  dhammaan waxyaabihii lagu xiri jiray sida marinta Salwa.

Boqorka Sacuudiga Salmaan  ayaa sheegay in magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar uu u diri doono diyaarado soo daabula Xujeyda u dhalatay Qatar iyada oo la sheegay in qarashka uu  bixin doono boqorka Jeebkiisa.

Wakaaladda wararka Sacuudi Carabiya ayaa waxay sheegtay in boqortooyada Sacuudiga ay u ogolaatay xujeyda Qatar in ay soo aadaan xajka,waxaana la isku furuyaa xadka ay wadaagaan labada dal.

Wakaaladda ayaa waxay intaas ku dartay in boqor Salmaan uu ogolaaday in diyaarado gaar ah oo uu leeyahay Sacuudiga loo diro Qatar si ay u soo qaadaan xujeyda,waxaana marti galin xujeydaan inta ay ku suganyihiin Sacuudiga boqorka.

COMMENTS
Latest News