Maalmahanews.com
XILDHIBAANNADA DIIDAN GUDDOOMIYENIMADA  BAASHE WAXAY LA MID YIHIIN RAILA ODINGAHA KENYA
August 16, 2017 - Written by admin

Hargaysa  (Maalimahanews.com)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland  oo ka tirsan  xisbiga Kulmiye,    ayaa  sheegay in aan wax  wadahadal iyo gorgortan ah   laga  gelin karin  sharcinimadda  doorashadii guddoomiye   Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi,  xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki),  xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye  iyo xildhibaan Farxaan Maxamed Cali,  oo shalay si wadajir ah shirjaraa’id ugu qabtay   magaaladda Hargaysa,    waxay ku doodeen   in ay sharci tahay doorashadii  lagu doortay  guddoomiyaha cusub.

Sidoo kale xildhibaanadaasi waxaanay   soo dhaweeyeen  go’aankii  ay maxkamada sare   ee Somaliland ka soo saartay khilaafkii ka dhashay cod kii lagu doortay guddoomiyaha golahaasi.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi  oo ugu horayn arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi  “Go’aankii golaha Wakiiladu  ku doortay guddoomiyaha cusub   Baashe Maxamed Faarax,  ayay diideen waanu aamusnay.

Dabadeed-na  maxkamadda sare ayay geeyeen,  waanan  ka aamusnay maxkamada sare waxay soo saartay go’aan ay ku Ayidayso go’aankii golaha. Kadib  markii ay u cadaatay maxkamadda sare in doorashadii  golaha  Wakiilladu ku doorteen   guddoomiyaha golaha ay  u dhacday  si   waafaqsan  xeer hoosaadka golaha.Waxaanay  noola muuqatay in aanaan ka  aamusi karin af-lagaadadda ay maxkamada sare kula hadleen.  Markay af-lagaadaynayaan halkii ugu saraysay ee iyagu ay tageen.”

Waxaanu intaas ku daray  “Af-hayeenka xisbiga Waddani isla markaana ah xildhibaan  wuxuu ku hadlayay waad arkayseen waxaanan  uga tacsidaynayaa shacabka Somaliland qaabkan ay u hadlayaan. Haddii  ay diidan yihiin go’aankii golaha Wakiiladda iyo go’aankii maxkamadda sare maxaanu kala hadlaynaa? oo taladoodu ku go’an tahay  ‘Cad yahaw ku cunay ama ku ciideeyay,” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.

 

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye,   oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Waxay ahayd in laga wada shaqeeyo   sidii golaha la isagu soo dhawayn lahaa, may ahayn in laga wada hadlo  doorashadii guddoomiyaha golaha Wakiiladda    lagu doortay  iyo go’aankii  maxkamadda sare.  Labadu-ba waa sharci,  waxaanan leeyahay12  (laba  iyo toban)  sano ayaan soo joognay golaha,   xumaanta aan  iska dayno,   aynu ka wada shaqayno sidii aan golaha u hagaajisan lahayn”.

Xildhibaan  Cabdilaahi Xuseen Cige  (Balaaki),  ayaa  isna  sheegay in maxkamada sare  ay  cadaysay in xeer hoosaadka golaha Wakiiladda ay waafaqsan tahay  sidii loo doortay guddoomiye Baashe.   “Doorashadii guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe  Maxamed Faarax,  xildhibaano ayaa buuq ka keenay  oo ka hadlay,  maxkamadda sare ayaanay  dacwad u gudbiyeen xildhibanadaasi. Maxkamadda  sare go’aan ayay ka soo saartay dacwadoodii,  go’aankaasi  golaha Wakiiladu ku doortay guddoomiyaha cusub   oo ay ku Ayidayso in doorashadii   ay sharci tahay,  oo loo maray xeer hoosaad kii golaha.

Waxaana jirta in  guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, aanu  ka codsanay in uu muddo toba cisho ah dib u dhigo fadhiga golaha. Arrintaasina waxaa   nagu kaliftay in aanu ka hadal-no xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda oo  laba Shaadhle ah.  mar-na huwan golaha mar-na huwan xisbiga Waddani oo ka hadlay go’aankii maxkamadda sare”.

Sidoo kale xildhibaan C/laahi Balaaki, ayaa  ku eedeeyay xildhibaanadda Waddani ee diidan doorashadii golaha iyo go’aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay in macnaheedu yahay  dal ma jirro. “Waxaan  umadda u cadaynaynaa in  xildhibaanada naga soo hor jeedaa  ay ka soo hor jeedaan,  oo ay diidan yihiin    go’aankii  golaha iyo  go’aankii maxkamada sare. Ninka  diidan go’aankii   golaha iyo go’aankii maxkamada sare muxuu doonayaa?   maxaa laga wada hadlayaa haddii aanay  meel-na ku qanacsanayn?  ninka leh maxkamadi  ma  jirto,  miyaanay ahayn dal-ba ma jiro?  Beri-na wax  ka weyn ayaa ka soo socda.  Waxaan  leenahay qaran  dumisnimadda  aad wadaan dalka  ka daaya”.

Ugu danbayn  xildhibaan Farxaan Maxamed Cali,  ayaa  tilmaamay in maxkamada sare  ay cadaysay sharcinimadda  guddoomiyenimadda Baashe Maxamed Faarax.  Waxaanu tusaale ugu soo qaatay xildhibaanadda Waddani ee diidan guddoomiyenimadda Baashe in ay la mid yihiin hogaamiyaha mucaaridka Kenya oo sheegtay in uu isagu yahay madaxweynaha la doortay.

“Guddoomiye Baashe sidaas ayuu sharci ku yahay,  wixii  intaa ka danbeeyaana  waa xag-xagasho.  Waxaanay  la mid noqonayaan saaxiibaday  Ra’ila Odinga (hogamiyaha mucaaridka Kenya)  ee yidhi  anigaa helay doorashadii ka dhacday Kenya.

 

Codka  wax lagu dooranayo  ma golaha Wakiiladda   ayaa laga soo ogaadaa mise  suuqa?  waxaanan leeyahay wixii golaha ka dhiman,  aan dhamaystirno. Waxaynu   wada hadli karnaa markaad  ogolaataan sharcinimadda guddoomiyaha golaha.  Laakiin  haddii aad ku muransan tihiin guddoomiyenimadda Baashe,  ee maxkamada sare sharciyaysay goluhu-na doortay,   maxaan  ka wadahadlaynaa?” ayuu yidhi xildhibaan Farxaan.

 

COMMENTS
Latest News