Maalmahanews.com
Shirkada Sagal Jet oo Shaacisay Guulaystayaasha, Afar Boos oo ay u Tartameen, 150 Muwaadin, Kuna Dartay, Hal boos Markay Aragtay Aqoonta iyo Dedaalka Dhalinyarada, Somaliland,
August 15, 2017 - Written by admin

(Maalimahanews)  15 August:  Shirkadda Daabacaadda Casriga ah ee Sagaljet oo   ah  Shirkad Wadani isla markaana ka Qaybqaadata sidii ay  Dhalinyarada, Somaliland ugu Abuuri lahayd, Shaqo,  ayaa  Dhawaan  Waxaa u tartamay,  150 Qof ,  Afar boos oo ay Shirkadu, Soo Shaacisay, Sidaa darteed Shirkadu, iyadoo tixgalinaysa  Dedaalka iyo  Firfircoonaanta ay muujiyeen  Tartamayaashu, ayaa  Waxay ku Dartay   Hal  Boos, iyadoo  eegaysa, isla markaana jaanis siinaysa Muwaadiinta,  Somaliland ee Shaqada u Baahan.

 

Shirkadda Daabacaadda Casriga ah ee Sagaljet waxay guud ahaan hambalyaynaysaa dhalinyaradii 150 ka ka badnayd ee soo xaraystay Boosaskii ka banaanaaday Shirkadda, oo dhamaantood muujiyay dedaal wax ku ool ah.

 

Si gaar waxa Shirkaddu u hambalyanaysaa Dhalinyarada ku guulaystay in loo doorto inay ka mid noqdaan Shaqaalaha Shirkadda Daabacaadda Sagaljet.


In kasta oo qorshaha Shirkaddu ahaa inay qaadato 4 boos oo keli ah, haddana markii ay aragtay Aqoonta, Kartida iyo dedaalada dhalinyaradii soo codsaday, waxa Maamulka sare go’aansaday inay tirada ku kordhiyaan hal boos oo ay ka dhigaan 5, Waanakuwan Shantii inamood ee Guulaystey…Hambalyo.

COMMENTS
Latest News