Maalmahanews.com
Shacabka Degmada YUBBE oo soo Dhaweyn Ballaadhan Ku Qaabilay Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo
August 15, 2017 - Written by admin

Shacabka Degmada YUBBE oo soo Dhaweyn Ballaadhan Ku Qaabilay Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo
—————————————————————————-
Yubbe (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Yubbe ee bariga gobolka Sanaag, ayaa soo ballaadhan ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku qaabilay wefti xukuumadda iyo xisbiga ka tirsan oo uu hor kacayo guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Kumanaan ka tirsan shacabka degmada Yubbe oo ay hormood u yihiin maamulka degmada ee xisbiga iyo xukuumadda. Xildhibaanno, salaadiin iyo cuqaal, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob ka baxsan magaalada subaxii hore ee saaka, waxana weftiga loo galbiyey madal si gaar ah loogu asteeyey in bulshada lagala hadlo, waxana halkaas hadallo mahadnaq iyo soo dhaweyn u badan ka jeediyeen xubno weftiga iyo madaxda deegaanka isugu jiraa.
Xildhibaanno kasoo jeeda degmada oo kasoo baxay xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo Maxamed Cismaan Bulqaas iyo xubno wasiirro ah oo halkaas ka hadlay, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa uga mahadceliyey booqashada ay halkaas ku tageen, waxana ay shacabka ku boorriyeen inay si habsami leh u qaataan kaadhadhka codbixiyayaasha oo halkaas ka socda.
Haldoorka, odayaasha, waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay deegaan ahaan si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisaba, waxana ay codsadeen in lagala qayb qaato dhamaystirka wixii tabashooyin ah ee degmada ka jira.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshada degmada Yubbe khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran iyo kalgacaylka lagu qaabilay, waxana uu caddeeyey inuu xil weyn iska saari doono wax ka qabashada dhammaanba tabashooyinka kala duwan ee halkaas ka jira haddii uu ku guulaysto madaxtinimada dalka.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing
Image may contain: 29 people, people smiling, crowd
Image may contain: 9 people, people standing and suit
Image may contain: 3 people, crowd
Image may contain: 21 people, people smiling, crowd and outdoor
+37
LikeShow more reactions

Comment

COMMENTS
Latest News