Maalmahanews.com
Murrashax Muuse Biixi oo Soo Kormeeray Goobaha Kaadh-bixintu Ka Socoto ee gudaha Magaalada Ceerigaabo 
August 14, 2017 - Written by admin

Murrashax Muuse Biixi oo Soo Kormeeray Goobaha Kaadh-bixintu Ka Socoto ee gudaha Magaalada Ceerigaabo
—————————————————————-
Ceerigaabo(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhadhka cod-bixinta ee gudaha magaalada Ceerigaabo.
Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah, siyaasiyiin, salaadiin iyo saraakiil kale oo katirsan weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeerkooda saaka kusoo maray tiro goobo ah oo ay ka socoto qaadashada kaadhadhku, waxana uu guddoomiyuhu u kuurgalay habsami-u-socodka ay hawshu u socoto iyo sida ay shacabku kaadhadhka u qaadanayaan.
Sidoo kale waxa uu murrashax Muuse Biixi Cabdi warbixin kooban oo ku saabsan sida ay hawsha qaadashada kadhadhka codbixintu u socoto ka dhegaystay xubno kamid ah shaqaalaha goobaha, kuwaas oo sheegay inay hawshu si wanaagsan u socoto, isla markaana ay shacabku qaadanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha oo ka socota gobollada Sool iyo Sanaag.

Image may contain: 5 people, people smiling
Image may contain: 8 people, people smiling, people standing
Image may contain: 6 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing and suit

COMMENTS
Latest News