Maalmahanews.com
Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyey degmada Awr-Boogays
August 12, 2017 - Written by admin

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu soo Dhaweeyey degmada Awr-Boogays
——————————————————————-
Awr-boogays (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo oo la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland u jooga Gobollada bariga dalka, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada Awr-boogays ee Gobolka Sool maanta.
Weftigan oo ka kooban masuuliyiin sarsare oo KULMIYE ah iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, waxa degmada Awr-boogays oo ay gaadheen goordhawayd ku qaabilay boqolaal dadweynaha ku dhaqan ka mid ah, madaxdhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo caleemo-qoyan iyo calanka xisbiga ku soo dhaweeyey.
Garaadka Guud ee degmada, xubno ka mid ah madaxdhaqameedka cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka ah oo hadallo ka jeediyey xaflad loo sameeyey soo dhawaynta ka hor intii aan la cunin casuumad sharafeed qado ahayd, ayaa weftiga Guddoomiyaha uga mahadceliyey booqashada ay ugu yimaadeen oo ka markhaati kacaysa sida xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu u danaynayso horumarka degmada iyo guud ahaan Gobolka Sool.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing
Image may contain: 2 people, people standing
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and shoes
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor
+5
LikeShow more reactions

Comment

COMMENTS
Latest News