Sidoo kale banaan bax kale ayaa ka dhacay magaalada ku taalla dhinaca galbeedka ee Kisumu, waxaana isku dhacyo uu dhex maray Ciidamada booliska iyo taageerayaasha mucaaradka.
|
|||||
Maalmahanews.com
Rabshado Ka Dhacay Goobo Kala Duwan Oo Ka Tirsan Dalka Kenya
August 12, 2017 - Written by adminSidoo kale banaan bax kale ayaa ka dhacay magaalada ku taalla dhinaca galbeedka ee Kisumu, waxaana isku dhacyo uu dhex maray Ciidamada booliska iyo taageerayaasha mucaaradka. Ciidamada Booliska ayaa adeegsanaya rasaasta cinjirka iyo tubbooyinka tuura biyaha, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha ay sii socdaan. Guddiga doorashada Kenya ayaa xalay ku dhawaaqday in doorashadii ka dhacday dalkaas maalintii Talaadadii uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu helay 54%, taasoo u suura gelisay in mar kale dib loo doorto. Hase ahaatee Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo xisbigiisa ayaa horeba ugu gacan seyray natiijadii horudhaca aheyd, waxaana xalay ay isaga baxeen xaruntii Bomas, ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah. Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad uu ka jeediyay xarunta Bomas ayaa ugu baaqay dadka Kenyanka midnimo, isagoo sidoo kale dhinacyada mucaaradka u jeediyay walaaltinimo, iskaashi iyo wax wada cabsi, isla markaana aanay cadaw u aheyn.
COMMENTS
|
Latest News
|