Maalmahanews.com
CIRO IRBADII SUUXDINTA EE 12 SANO UU KU MUDEY HAYALKII SHARCI DAJINTA AYUU LA ORDAYA INUU SOMALILAND OO DHAN KU MUDO!!!YEELI MEYNO…..
July 28, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

CIRO IRBADII SUUXDINTA EE 12 SANO UU KU MUDEY HAYALKII SHARCI DAJINTA AYUU LA ORDAYA INUU SOMALILAND OO DHAN KU MUDO!!!YEELI MEYNO…..

Mudo 20 sano ah ilaa maantadda aan joogno qaranka Somaliland wuxuu baahi u qaba sharci iyo qaynuun kala haga.
Cabdi qaadir Jirde wuxuu ahaa 10 sano ku xigeenka qaybe inta badana qaybe wuu xanuunsanayey oo C/qaadir Jirde ayaa is haystey,waxa ka danbeeyey Gudoomiye Ciro oo haytey 15/10/2005 ilaa maanta.
Ciro wuxuu ka dhigey naafo wuu hogaamin kari waayey 80 qof,wuxuu dajin kari waayey xeerarkii aasaasiga ahaa
Xitaaxeerarkii aan siyaasadba ku jirin ayuu sameyn kari waayey.sidee loogu aamini kara inuu madax weyne ka noqdo shakhsi sidaa u jilicsani oo inuu kursi iyo kharsh cuno maahe wax kale garaneyn.
 
Wuxuu garan waayey gudoomiye Ciro shaqadiisi ahayd inuu xeerarka Somaliland sameeyaan wadigaa arkaya xeerkii lagu soo doortey 15 October 2005 ee ku meel gaadhka ahaa in ilaa maanta la sameyn oo ah dhamaadkii 2017.
<>Wuxuu arinkoodii ka dhamaan waayey AAN XILKA KORODHSANO IYO MUSHAKARKA NOO KORORSANO IYO KURSI HOOSE KU FADHIISO IYO KA SARAAN KULA JOOGAYA,
<>Waxay sameyan kari wayeen xeerarkii wadanka ee wali aasaaska u ahaa nolasha ee ahaa:
-Xeerka dhamaan haykalka dowladnimo.
-Xeerkii doorashada wakiilada.
-Xeerka xuquuqda muwdanki.
-Xeerka wadaniga iyo ajaanibka.
-Xeerka Shaqaalaha.
-Xeerka cashuuraha.
-Xeerka Sakadda.
-Xeerka dhuka iyo degaanka.
-Xeerrkii maal gashiga caalamiga.
-Xeerkii xadaynta gobaladda iyo dagmooyinka Somalind.
-Xeerkii khayraadka dabeeciga.
-Xeerkii bananka.
-Xeererkii qabyadda Distoorka.
-Xeerkii lahaansaha gaar ahaneed iyo guud ahaneed.
-Xeerkii ganacsiga iyo xadaynta sixir baraka.
-Xeerkii manka wax barshadda Somaliland.
Xalkan kuma tirin karno waa malyuun xeer ayaan jirin.
Maanta Somaliland qabyadda ugu weyn ee haysata waa distoorkan cigaal sameeyey ee buuga yer oo 28 Pages A4 ah xashiyood ah iney balaadhiyaan oo 2000 xashiid ka dhigaan waa tahli kari wayeen.
<>Waxay noqdeen Muxaafid dowladda iyo mucaarad xusbiyo u olaleeya,dhamaan waa laga tagey shaqadii ay u qaban lahayeen dalka iyo dadka.
<>Waxa noqdeen dad lacag xada dhaafa qaata oo iska fadhiya kuraas malinta musharkana iska qaata,maalinna is caaya ama gacanta iskula taga waad la socota daljire.
Maanta irbadii 20 sano lagu mudayey haykalka sharci dajinta ayaa la raba in hayakalka fulintana lagu mudo oo madax weyne loo noqdo somaliland,Taasi waa ma dhacdo iyo habeen xaley tagey.
 
SOMALILAND ILAAHAY HOW GARGAARO.
AMIIN……AMIIN……AMIIN…….
MAHADSANID
ABDI ALI JAMA
LONDON

COMMENTS
Latest News