Maalmahanews.com
AQOONYAHAN REER SOMALILAND AH OO KU DHAARTAY INUU MUUSE BIIXI DOORASHADA KU GUULAYSANAYO “WAAN IDIINKU DHAARANAYAA INUU MUUSE BIIXI MAALMO KADIB NOQONAYO ……”.SAKARIYE.
July 14, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Hargeysa(Maalimahanews) – Aqoonyahan Reer Somaliland ah islamarkaana haysta Dhalashadda Dalka Sweden oo lagu magacaabo Sakariye Nuur ayaa ku dhaartay inuu Muuse Biixi Doorashada Soo Socota guul ka gaadhayo.
Fariin Culus oo uu Aqoonyahankani soo dhigay Barta uu Dadka kala xidhiidho ee Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi“Waan Idiinku Dhaaranayaa In Muuse Biixi Yahay Madaxweynaha Mustaqbal Habeenada Tirsani Inaga Xigaan”.

Aqoonyahan Sakariye Nuur ayaan lagaran Karin halka uu wax ka sii daalacday balse waxa maalmihii u dambeeyay Baraha Bulshadda ka socday odoroska cidda ku guulaysanaya Doorashadda Madaxtinimada ee Fooda inagu soo haysa,oo la filayo inay ku loolamaan Muj Muuse Biixi Cabdi oo Kulmiye ka sharaxan,Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo UCID Ka sharaxan,iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Sharaxan Xisbiga WADDANI.

Aqoonyahan Sakariye Nuur Waa ganacsadihii Dalka Somaliland ka hirgaliyay ee qaatay Mashruuca Liisanka Lafta ah ee Wadista Gaadiidka,Balse waxa uu mudo badan dacwad kula jiray Ganacsato kale oo uu mashruucaasi qayb ka siiyay oo ku qabsaday.
Waxa uu Aqoonyahankani Bulshadda la wadaaagay qoraalkaasi kadib Sawiradani.

COMMENTS
Latest News