Maalmahanews.com
DAGAALLADII SNM KU SOO GASHAY BURCO IYO HARGAYSA 1988-KII
July 13, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

sababti soo Dedejisay Dagaalkii 1988

Sababtii soo dedejisay inuu dhaco dagaalkii 1988-kii dhexmaray xukuumadii Maxamed Siyaad Barre iyo jabhadii SNM ayaa lagu sheegaa dhawr arrimood, balse sababta ta ugu weyn ayaa ahayd heshiiskii dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam-kii Itoobiya xukumaayey. Heshiiskaasi qaybtiisi hore waxa ay ka dhacday dalka Jabuuti, halka kii dambena lagu saxeexay magaalada muqdisho.

Heshiiskaasi markuu dhacay ayey dad badan oo soomaali ahi la yaabeen, maadama oo aan laga tanaasulin in si yar oo fudud loogu wareejiyo dhulka soomaali galbeed dalka itoobiya. May geli karayn maanka dadyowga soomaalida ah ee degan geeska afrika. Laakiin arrintaasi waxa ka xoog weynaa sidiii loo baahi’in lahaa kacdoonkii waqooyiyga ee uu hormoodka u ahaa dhaqdhaqaaqii SNM.

Heshiiskii Maxamed Barre iyo Megnistu Xayle Maryam

Dabayaaqadii bishii maarij ee sannadkii 1988-kii waxa dalka Jabuuti ku kulmay Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam si ay uga wada xaajoodaan heshiiskii dhexmaray labadooda sannadkii 1987-kii oo ahaa gogol-xaadh. Kulankaasi Siyaad Barre iyo Mengistu dhexmaray wuxuu u dhacay saddex qaab.

Wuxuu ku bilaabmay labada wefti oo isu dhan, muddo markii uu socday wadahalku ayuu Maxamed Siyaad codsaday in ay labadoodu isku keliyeystaan oo weftiga intiisa kale dibada uga baxaan. Weftiyadii ayaa ka baxay shirkii. Ato Demise iyo Ato Mogus oo ka tirsanaa weftiga Itoobiya ayaa sheegay inuu Maxamed Siyaad jilbaha qabsaday Mengistu isaga oo ka codsanaya in ay heshiiska ku saxeexaan Jabuuti oo aanay u kala kicin. Mengistu wuxuu taagnaa oo ku celcelinayey in heshiiska majarihiisa la mariyo oo labada wefti ee wasiirrada ah iyo guddi farsamo soo habeeyaan ka dibna ay saxeexaan.

Markii la isku mari waayeen saxeexa heshiiska, ayaa lagu daayey in dib loo dhigo saxeexa, balse qodobbada ajandaha la isla qaato. Markii ay labadii Madaxweyne ku heshiiyeen qodobbaddi ajandaha heshiiska ayaa loo yeedhay labadii wefti ee dibada ku maqnaa. Qodobbadii ugu darnaa ee muranku ka dhacay waxa ay ahaayeen, kow in dhulka Soomaali Galbeed(kililka Shanaad) Maxamed Siyaad ka tanaasulay kuna wareejiyey Itoobiya, isaga oo ku dooradsay in SNM taageerada laga joojiyo, lana cunaqabateeyo ugu dambaynta hubka laga dhigo. Laba arrimo oo la xidhiidha xuduudda koonfurta Soomaaliya ee labada dal, oo Maxamed Siyaad in badan ka hadlay.

Saxeexii Heshiiska Ee Muqdisho

Bilowgii bishi afraad ee Sannadkii 1988-kii waxa magaalada Muqdisho yimid wefti Itoobiyaan ah oo uu hogaaminaayey wasiirkii arrimaha dibadda oo la odhan jiray Birhanu Baye. Muddo yar ka dib waxa ay magaalada Muqdisho ku kala saxeexdeen heshiiskii ay Itoobiyaanku diideen in lagu saxeexo Jabuuti.

Maxaa Keenay Saxeexan Deg-Dega ah Ee Dhinaca Itoobiya ka yimid?

Mengistu markii hore ee uu ku sii socday Jabuuti ee uu Maxamed Siyaad la kulmayey wuxuu sii maray Asmara oo uu kula kulmay qaar ka mid ah Jananadii hogaaminaayey dagaalkii halkaasi ka socday ee u dhexeeyey xukuumadii Mengistu iyo jabhadii reer Erayteriya. Waxa halkaasi ku dhexmaray Mengistu iyo Jananadii muran salka ku hayey sidii loo maarayn lahaa dagaalka iyo xal siyaasadeed lagu eego.

Mengistu wuxuu aaminsanaa in dagaal arrinta lagu wado, halka ay jananadu xal dublumaasiyadeed taageersanayeen. Sidaasi ayuu Jabuuti ku tegay. Markii uu ka soo noqday jabuuti ee uu soo gaadhay Adiis Ababa ayaa loo sheegay in ay guutooyin badan oo ka tirsan ciidankii Itoobiya isu dhiibeen jabhadii ka soo horjeeday Mengistu xukunkiisa. Ka dib Mengistu wuxuu go’aan ku gaadhay inuu la heshiiyo Maxamed Siyaad ka dibna ciidanka ka jooga gobalka Harargee uu u raro Erateriya oo ay uu buuxiyo booskii ay baneeyeen ciidankii ka goostay. Haddii markii Jabuuti la joogay uu Maxamed Siyaad heshiiska u baahnaa markii dambena waxa heshiiska u baahnaa Mengistu. Heshiiskii Muqdisho Mengistu ayaa gondaha qabsaday Maxamed Siyaad

Naqshadii Dagaalka Lagu soo Galay

Ciidanka loogu talogalay inuu qabsado Hargaysa, Burco iyo Gabiley waxa loo qaybiyey saddex qaybood oo kala ah:

Aagga Bari ee Burco waxa galay 1,300 oo askari waxaana hogaaminayey Axmed Mire oo ay kaalinayeen Aadan Saleeban Cali, Xuseen A. Hurre, Xasan Cali Abokor iyo Axmed Macalin Haaruun.

Aagga dhexe ee Cadaadlay waxa galay 900 oo askari waxaana hogaaminayey Xuseen dheere, Axmed Xasan Wayso-cadde, Maxamed Cali iyo Maxamed Jaamac Sabban.

Aagga Galbeed ee Hargaysa waxa galay 1400 oo askari waxaana hogaaminayey C/rahmaan Aw Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Max’ed Cilmi Galaan, Ibraahin C/laahi Dhego-weyne, Axmed Dhagax, C/laahi Askar, Gacma-dheere, Dayib-Guray iyo jidgoyn oo uu Xasan Yoonis Habane hogaaminayey oo dhinaca Gabilay abaaray.

Dagaalkii Burco lagu soo galay 27/5/1988

Kayse Jaamac Kaahin”keyse-Geel-jire” oo ka mid ahaa ciidankii galay Burco ayaa ka waramay siday xaaladu ahayd” shidaalkii ay dawlada itoobiya na siisay ee ay tidhi dib ugu soo guura ayaanu ku soo dhaqaaqnay. Waxaanu ka soo dhaqaaqnay tuulada Samatar Axmed. Waxaanu ahayn 70 gaadhi oo 11 ka mid ahi yihiin tikniko. Waxa nalagu amaray inaan gawaadhida laga degin ilaa Burco la tagayo. Haddii dagaal dhexda idinku qabsado, xabad ma ridi kartaan, afar gaadhi oo ciidan saarnaa oo la qorsheeyey mooyee. Goor casar ah ayaanu soo dhaqaaqnay, habeenkii oo dhan waanu soconay, saddex meelood ayuu dagaal nagu qabsaday, waanu ka adkaanay.

Markay saacadu ahayd 6-dii subaxnimo 27/5/1988-kii ayaanu markiiba guuto kastaa weerartay xeradii loo xilsaaray inay qabsato. Isla subaxiiba dhawr xero ayaanu gacanta ku dhignay. Waxaanu dilnay taliyihii gaaska 3aad ee milatariga, taliyihii Booliska qaybta togdheer iyo saraakiil kale. Weerarku wuxuu ahaa nooca loo yaqaan ka dhextooska. Dagaalkii ayaa ku fiday guud ahaan magaalada oo waxa nagu soo biiray dad badan oo magaalada ku noolaa. Ka dib waxaanu helnay dhalinyaro farabadan oo dagaalkii nala gashay.

Dagaalkii Hargaysa lagu soo galay 31/5/1988

Ciidankii loogu talogalay inay Hargaysa qabsadaan, waxay ka soo dhaqaaqeen tuulada Balli-samatar, waxayna soo mareen wado ay samaysteen oo geedo ka baneeyeen. Wadadan ilaa imika waxa la yidhaa wado halgan. Ka dib waxay soo dul istaageen masalaha oo Hargaysa duleedkeeda ah goor makhrib ah. Halkaasina waxa ku horjoosaday ciidan xoogan oo ahaa kuwii Max’ed Siyaad Barre (Faqash). Markay habeen madow noqotay ayuu nin ka tirsan askartii SNM weydiiyey, Dhego-weyne, maxaynu yeelnaa? Iyo xaalada inuu ka waramo. Wuxuu ugu jawaabay” horta galabta cid kasta waa ku jiq, inaga waa inagu jiq oo xagga dambe iyo xagga horaba waa la inaga fadhiyaa, Max’ed Siyaadna(Faqashta) waa ku jiq oo waxay ogyihiin inaynaan dib u laabanayn, shacbigana waa ku jiq oo dushoodii ayaa la isku haystaa”.

Bal doon doon waddo aan ta inanaxar ahayn oo Hargaysa laga gallo. Markii dambe ayuu Max’ed Jaamac Dhadoon ayaa loo diray, waxaanu soo helay wado Sh. Cumar Yuusuf sii qoday oo agtooda ah, halkii ka soo galeen, waxayna dagaal kedis ah ku bilaabeen taliskii qaybtii 26aad oo Gen. Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo ahaa taliyihii Guutadii Sayid Cumar ayaa markiiba dagaal culus ku qaaday xeradii taliska qaybta 26-naad, dagaal qadhaadh ka dib waxa guutadii Sayid Cumar u soo gacangashay xeradii taliska 26-naad ee uu Moorgan fadhiyey, Gen. Moorgan cagtuu wax ka deyey. Waxa sidoo kale Aadan-cadde oo wata guutadii Sancaani ayaa xeradii berjeex dagaal qadhaadh ku qaaday, oo markiiba qabsaday. Ka dib dagaalkii ayaa ku fiday magaalada. Waxaana ku soo biiray dad farabadan oo magaalada ka baxay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraacyo:

Milicsiga Dagaalkii Dhexmaray Xukuumaddi Maxamed Siyaad iyo Jabhadii SNM (2014)……… Sayid-Axmed M. Yuusuf(Dhegay).

Cibaarooyinka Qarniga iyo cidaad jeceshahay inaad ku dayatid (2003)……………. Cali Qoryoolay

COMMENTS
Latest News