Maalmahanews.com
Saaxiibo Wuu Kasban Yaqaan mase Keydsan YaqaanW/Q: Cali Cabdi Coomay
July 7, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Saaxiibo Wuu Kasban Yaqaan mase Keydsan Yaqaan

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Furfurnaanta iyo dad-dhexgalka ay dhoola-caddayntu wehelisa ayaa wejigiisa xagga hore kaga qoran, markuu joogo goobaha lagu caweeyo. Muddo ilbiliqidhsiyo ah ayuu ku bartaa dadka kala duwan ee ku caweynaya goobta, qaarkood markaba wuu la falgalaa, oo waxaad moodaysaa inay hore u ahaan jireen asaxaab isku dheer. Qaar ka mid ah dadka uu sida fudud isu-barayo ayaa markaba calaamad su’aal saara hab-dhaqankiisa ku salaysan in sida daadka qofka mar la wada dhexgela, oo waxa ay ku gaabsadaan inay hadallada iyo sheekada u soo gaabiyaan. Lebiskiisu waa inuu marba qofka uu la socdo isku eekaysiiyo. Waxa jirtay arrin dhacday wakhtiyadii dawladii Maxamed Siyaad oo ahayd” Ciidankii nabadsugida ee Maxamed Siyaad ayaa nin wejiga uga eeg Maxamed Siyaad ku xidhay magaalada Afgooye horraantii sannadkii 1985-kii, dabadeed waxa ay soo taageen maxkamad, waxaanay ku eedeeyeen” isu-eekaysiiye madaxweynaha qaranka”.

Wuxuu Ilaahay hibo u siiyey inuu saacadii kasban karo inta u dhexaysa konton qof ilaa toddobaatan qof oo kala duwan, ka hor inta aanu qofka la qabsan ayuu marka hore darsaa wuxuu afka la leeyahay ee ay doodiisu ku aroorto, markaasuu tiisa ku raacaa, si uu u dhexgalo. Waxa ay ugu darnayd markii uu bas soo raacay ee uu doonay inuu dhexgalo kooxo hablo dhallinyarada casrigan ah oo dhexdooda ay ka socoto sheeko xiiso badan, dabadeed midi ugu horraysay ee uu la hadlay ayaa markiiba shoodh ku soo celisay ama hadalkiisii ka hortimid, kuna tidhi” Waar bal iga go’, halkeed igu bartay, waa maxay daf baad na soo tidhiye, goormaad na baratay, yaa na kaa baray, maxaad ka cabanaysaa” iyo kuwa kale oo isugu jira afka toosan iyo kan suuqdiyga ah.

Ka dib Islaan ka ag-dhawayd ayaa si hoose u tidhi’ adhaxda ka jabto af adagaa’. Markiiba dib ayuu uga booday, sidii qof mas qanniinay, mar dambena lamuu hadal, kursigiisii ayuu dib ugu fadhiistay isaga oo aad moodid maxbuus jeelka loo taxaabay. Nimco weliba nusqaan leh, saaxiibadaa uu mudada kooban ku kasbanayo ma sii haysan karayo, wuxuu leeyahay laba sifo oo aan si-qabanayn. Saaxiibadii uu kasbaday wuxuu ku luminayaa muddo kooban, oo kii si adag ula doodda ee ka horyimaada fikirkiisa wuxu u arkaa cadowgiisa koowaad.

Sannadihii 1960-1975 waxa qaarada afrika caan ka noqday inuu inqilaab ka dhacay dalal badan oo afrika ku yaallay, oo askarta ayaa awooda xoog ku qabsan jirtay. Markay xukunka muddo hayaan ee ay dalkaasi barwaaqo ka dhigaan ayey mark dambena burburin jireen wixii ay soo dhiseen, sidaasi oo kale ayuu dib u baa’biyaa wixii uu saaxiibo hore u kasbaday. Is-ma laha furfurnaantiisa hore iyo xanaaqiisa dambe, markuu xanaaqo waxaad moodaa xoor dabada lagaga joogsaday, oo dadka sida fiican u darsay waxa ay ugu wanqaleen” Xoor Qosol badan”. Markuu socdo tallaabadiisa waxaad moodaa tii Daa’uuska, oo waxa ku lamaan is-cajabin lagu talaxtegay. Waxa la yidhi” Shimbirta daa’uusku aad bay u qurux badan tahay, quruxdaasi eebe ku manaystay darteed aad buu isu cajab-geliyey oo isul weynaaday, ka dibna waxa lagu salliday nabar aad u qadhmuun oo aanu weligii bogsan, mar kasta oo uu damaco inuu hawad u duulo ayey boogtu damqataa, markaasuu ku dhacaa niyad-jacab, naxdin iyo liidnimo”

Xaaskiisa oo ah ta dadka ugu dhaw ayaa ku wareertay dabeecadiisa oo marba wuxuu kula dhaqmayaa dhaqan gaar ah. Mar wuu ka qoslinayaa oo sida kiriimka ayey farxad kala qaboobaysaa, marna jiq ayuu iska dhigayaa oo muddo lama hadalayo, waxa keliya ee afkiisa ka soo baxaa waa keen cunto iyo cuud. Markay wax kale oo ay ku sheegto weyday ayey tidhaa walaal surucyo ayuu leeyahay.

Wakhtiyadii halgankii SNM ku jirtay ee uu guddoomiyaha SNM ahaa AHN C/raxmaan Axmed Cali”Tuur” ayuu maalin u tegay Cabdiwaraabe isaga oo doonayey inuu arrin kala hadlo, ka dib muddo ayuu Cabdiraxmaan la hadli waayey oo uu sigaarkiisii iska cabbayey, markaasuu Cabdiwaraabe ku yidhi” waar Cabdiraxmaan afkaaga qiiq mooyee wax kale miyaanu ka soo baxayn”.  Marka dhan qoyskiisa laga eego waxa sidan ahaan jiray islaan ayeydii hooyo ahayd oo la odhan jiray Kaaha, balse lagu xaman jiray Kaaha Kadeeda. Malahayga iyada ayuu ka hiddo-raacay dhaqankan, mooyi.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

 

COMMENTS
Latest News