Maalmahanews.com
Sababihii ay Ku Timi Taariikhdii 26 June ( Qalinkii Qoraa Cali Cabdi Coomay)
June 26, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

 ( Maalimahanews) 26-k Juun 1960kii oo ahayd markii maxmiyadii ingriiska ee Somaliland “British Somaliland protectorate” xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya ( Independent state). waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas Soomaaliya xorowday ayay labada dal midoobeen inkastoo midawgaasi mad-madow badani ku jiray. Midowgaasi muu ahayn mid sharciya, maadaama oo aanu jirin wax qoddobo sharci ah oo la kala qortay. Markii la soo gaadhay 26 juun sannadkii 1960-kii ayay bilaabmatay dabaaldegyo. Maalintani waa maalin ay leedahay Somaliland, balse maaha maalin ay Soomaaliya leedahay

 

 

Xafladdii Calan-saarka 26 Juun 1960.

 

Xafladdii ugu horaysay waxay bilaabmatay 9:00 aroornimo, waxayna ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Hargaysa istaadyoon, oo waagaasi la odhan jiray “Boolooga”.Xuskan waxa ka soo qaybgalay xukuumaddii Somaliland, shaqaalihii dawlada, madaxdii ururada, culimadii, ganacsatadii iyo dadweynihii reer Hargaysa.Goobtan waxa muusiga ka tumayey koox Ingirisku keenay oo la odhan jiray (Scottish Band).Waxa kale oo xuska ka tumayey kooxda Baanboyda (Band Boys).Waxa salaan ka qaatay Madaweyne Xaaji Cumar Askar iyo Raysal wasaaral-wasaare Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Xafladani waxay soo xidhantay 2:00 galabnimo.

 

Xafladdii labaad ee xuska dabaaldegu wuxuu ka dhacay garoonka kubadda cagta oo ku yaallay meesha imika laga dhisay masaajida ibraahin dheere, oo markaasi dambe loo bixiyey xaruntii 26 juun. Xafladan ayaa bilaabmatay 4:30-kii galabnimo socotayna ilaa 12:00 habeenimo.

Xafladdii Calan Saarka

 

Markii la gaadhay 10:00 habeenimo ayay toos u bilaabmatay xafladdii calan saarku. Waxa khubad dheer goobtan ka jeediyey Raysal wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xoghayihii badhasaabka Ingiriiska oo la odhan “ P.Carrel”. markay saacadu gaadhay 12:00 habeenimo ayaa la soo dejiyey calankii Ingiriiska oo goobta sudhnaa, waxaana gacanta laga saaray xoghayihii badhasaabka ingiriiska. Ka dib waxa la saaray calankii Somaliland. Markaasuu Abwaan C/laahi Suldaan Timacade tiriyey gabaygii caanka ahaa ee la magac baxay “ kaana siib kanna saar”. Waxa kale oo goobtan lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha hidaha dhaqanka.

 

Baanbowdii Ingiriiska oo Xafladdii Calan-saarka ka Tumaysa 26/6/1960.

Tartankii Gabayada

 

Waxa goobta ka dhacay tartan u dhexeeyey abwaano ka kala socday xisbiyadii SNL/USP iyo NUF.Waxa tartamay dhawr iyo toban gabayaa.Aakhirkii waxa kaalinta kowaad galay abwaan Cabdi Iidaan. Cabdi Iidaan wuxuu tiriyey Geeraar caan noqday oo ay ka mid ahaayeen erayadiisa” ilaahow arligeennana mid ammaan lagu joogoon abaaroobin ka yeel”.

Dalalkii Aqoonsaday Somaliland

 

Markii ay Somaliland ka xorowday gumaysigii ingiriiska ee 26 juun 1960-kii, waxa aqoonsaday dawlado badan, waxa ugu horeeyey, Masar iyo Israa’iil. Intaasi ka dib waxa ku xigay shantii dawladood ee joogtada ku ahaa golaha Qaramada Midoobay: Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka, Midowgii Soofiyad ka iyo Shiinaha.

 

27-kii juun 1960-kii wuxuu Baarlamaankii Somaliland ansixiyey sharci loogu gogol xaadhayey is-raaca iyo midnimada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Midowgii Ka Dib : Shacabka Soomaalilaan oo Dareemay Khiyaamadii dhacday

 

Dadka reer Somaliland waxa ay midow ku sheegaasi doonayeen inay kaga dhabeeyaan riyadoodii ahayd in la sameeyo dawlad salbalaadhan oo ay kasoo qayb galaan wixii Afsoomali ku hadlaa meel kastoo ay joogaanba. Laakiin waxaa markiiba beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxa laga duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen. Dadka reer Somaliland oo markiiba dareemay in la khiyaamay oo isla markiiba waxa ay bilaabeen inay xornimadooda kala soo noqdaan reer Soomaaliya, waxaad arkaysaa suugaantii markii hore kuwada baaqaysay midowga iyo Soomaalinimada oo marqudha isu badashay inay sheegaan sida la khiyaameeyey. Wuxuu yidhi Cabdillahi Suldaan Timacade( alla haw naxariistee) tix uu arrintaasi kaga hadlaayey waxaa ka mid ahaa beedkeedii” DUQAYDII BARLAMAANKIYO DEKADIIBA WAA XAMAR”.

 

Waxaa kale oo Qaasim oo ka mid ah abwaanada Soomaalilaan yidhi maanso ay ka mid ahaayeen eraydan:-

 

ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO, DAARTA KII GALAYE DUSHA MIDABKA SOOMALIMAAD, DUGULKA MOODAAYE MISNA LAGUMA DIIRSADO, EE QALBIGU WAA DIRKII KARALE MEESHAAN DAD IISOO KORDHIYO, DARAJO EEGAAYEY IYABA WAA DARXUMO II DHIMANE, DACAR MIYAAN LEEFAY MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN, DIBUGU SOO LAABTAY SIDII AAN DAYEYNAHAY MIYAAN, DAWGII KA HABAABAY

 

Bishii Luulyo1961kii waxaa dadka reer Somaliland gaashaanka ku dhufteen oo cod aqlabiyad ah ku diideen distoorkii qeexayey ee lagu sharciyeynaayey is-raaca labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland. Laakiin nasiib darro dawladdii markaas jirtay oo reer Soomaaliya ahayd waxay diideen inay aqoonsadaan maxsuulkii doorashadaasi sababta oo ahayd in aanay maslaxadi ugu jirin arrintan. Bishii december 1961 waxaa madaxdii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee reer Somaliland isku dayeen inay dhigaan inqilaabkii dhicisoobay. Inqilaabkaasna waxay ku doonaayeen inay kula soo noqdaan madaxbannaanidii luntay. Balse muu suurtagelin. 18 Meey ee Sannadkii 1991-kii ayay shacabka reer Soomaalilaan saxeen khaladkii ay sameeyeen 1-dii Juulay ee Sannadkii 1960-kii, waxa aanay la soo noqdeen madaxbannaanadii hore uga luntay.

 

Cali Cabdi Coomay

 

Suxufi, qoraa ah.

 

Hargaysa, Soomaaliland

Calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

 

Sooyaalkii Yuusuf Ismaaciil Samatar” Gaandi”(2014)…….Cali Cabdi Coomay

 

COMMENTS
Latest News