Maalmahanews.com
DALAL CUSUB OO KU DHAWAAQAY INEY XIDHIIDHKA U JAREEN DOWLADA XAALKU KU XUN YAHAY EE QADAR.
June 14, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

dowlada Eritreya oo ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa bedeshay mowqif dhexdhexaadnimo ah oo ay horey uga qaadatay khilaafka ka dhex aloosan xulufada Sacuudiga iyo dowlada Qatar.

Wasaarada Warfaafinta dowlada Eritreya ayaa sheegtay in dowlada Sacuudiga iyo xulufadeeda ay ku taagan yihiin dariiq sax ah oo maslaxad u ah amaanka iyo xasiloonida gobolka Khaliijka.

Eritreya ayaa xiriirka u jartay dalka Qadar oo saaxiib dhow la aheyd, iyagoo si buuxda u taageertay sacuudiga iyo xulufadiisa.

Isbedelka ku yimid mowqifka Eritreya ayaa yimid ka dib markii uu magaalada Asmara booqday wafdi uu hogaaminayey Wasiirka arrimaha dibeda ee boqortooyada Sacuudiga kaasoo xukuumada dalkaas ka dhaadhiciyey iney xiriirka u jaraan Qadar.

Dowlada dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Niger ayaa iyana xiriirka u jartay dowlada Qadar ka dib markii uu dalkaas booqday wafdi ka socda dowlada Sacuudiga.

Xulufada Sacuudiga ayaa taageero uga raadinaya caalamka xiriirka ay u jareen dalka Qadar iyagoo beegsanaya dalalka saboolka ah, iyagoo ugu bedelaya taageero Maaliyadeed.qatar-eritrea-june-2017

COMMENTS
Latest News