Maalmahanews.com
SIDEE QOFKA SOOMANI UGA DHEERAAN KARAA HARRAADKA !
June 12, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

 

Jidhku waxa uu u baahan yahay biyo badan gaar ahaan bisha Ramadaan ee la sooman yahay, haddaba markay bisha ramadaan kusoo beeganto xilli xaggaa ah waxa kor u sii kaca baahida uu jidhku biyaha u qabo iyo in jidhku iska caabiyo harraadka, waayo waxa uu qofku soomanaanayaa in ka badan 12 saacadood, Haddaba, waxa uu jidhku u baahanayaa xilliga afurka inuu helo biyo ku filan si uu u soo ceshado biyihii uu muddada 12ka saacadood ah u baahnaa, sida dhabta ah haddii uu qofku xilliga afurka cabo biyo aad u badan waxa uu dareemayaa culays xad dhaaf ah, laakiin si uu qofku iskaga caabiyo harraadka uu dareemayo inta uu soomanyahay waxa habboon in xilliga afurka uu cabo biyo ku filan oo aan xad dhaaf ahayn,  waxaana habboon inuu qofku cabo sharraabka dabiiciga ah ee kala duwan xilliyada afurka, arrinta aad ugu habboon ee ay tahay in lagu dedaalo sidii Nebigeena Muxamed NNKHA uu inagu dardaaray in suxuurta dib loo dhigo in ummaddiisu ay khayrka ku sugnaanayso inta ay afurka dedejinayaan, suxuurtana dib u dhigayaan waana habka uu qofka soomani kaga dheeraan karo harraadka xad dhaafka ah.

COMMENTS
Latest News