Maalmahanews.com
DUBAI OO SOO SAARTAY ADEEG CUSUB OO AY DADKU KU DHOOFI KARAAN TELEEFANADOODA GACANTA OO AAN LOOGA BAAHNAYN AQOONSI AH
June 12, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Dawladda Imaaraadka guud ahaan waxay ku hawlantahay gaar ahaan Xukuumada Dubai sidii ay Dadka musaafiriinta ah ee ku nool Dalkaasi ay ugu fududayn lahayd safarkooda xilliga ay ku sugan yihiin gegida diyaaradaha ee  Dubai, gegeada diyaaradaha ee Dubai oo soo saarat adeeg cusubwaxanay arrintaasi u adeegsataa Tiknoolajiyad casri ah oo qofka musaafirka ahi uu kaga maarmayo inuu gacanta ku qaato Aqoonsigiisa amase Passport-kiisa, waxanay soo saartay dhawaan adeeg cusub oo ay ugu magac dareen Emirates Smart Wallet oo ah mid uu qofka safrayaa ku shubanayo teleefankiisa gacanta oo ah mid ay Dadka ka dhoofaya gegida diyaaradaha ee Dubai ay isticmaalayaan, adeega ku jira Teleefanadooda gacanta oo ay ku jiraan dhammaan Information-ka qofka sida ay ugu yaalaan Passpot-kiisa waxa aanay ku qabanayaan agab elecronic ah oo la shaqaynaya adeegan isla markaana cadaynaya in information-ka qofkani uu yahay mid sax ah oo aan qaldanayn, sidoo kale waxa uu adeegani xanibayaa oo aanu albaabka looga gudbayo diyaarada aanu ka furayn qofka sita wax qaldan waana tallaabo aad u layaab badan oo dhinaca Tiknoolajiyada oo xukuumada Imaaraadku ku tallaabsatay.

 

COMMENTS
Latest News