|
|||||
Maalmahanews.com
AXKAAMTA RAMADAANTA QORE: SH. CABDIRISAAQ CABDIRAXMAAN XASAN RAKUUB QAYBTII 2AAD
May 29, 2017 - Written by admin
Waa Ayo Cidda Soonku Ku Waajiibayo?
Qofka Muslinka ah Qofka qaan-gaadhka ah, ( qof aan qaan-gaadh ahayn waajib kuma aha soon, se haddii uu karayo loo diidi maayo) Qofka maskax ahaan caafimaadqaba. Qofka jidh ahaan caafimaadqaba (qofka da’da ah, qofka xanuusanaya iyo haweenayda uurka leh ama jaqsiinaysa iyaga soon laguma laha)
Hadmaa La Soomayaa, Maxaa Se Laga Rabaa?
In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku CSW waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystirta. Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku CSW wuxu leeyahay camal dhammaantii waa niyadda In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).
Maxaa sunne ah?
In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW waxa uu lahaa qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha in uu sooman yahay iyo in kale. Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, “Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soonkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow In la dedejiyo afurka: Rasuulku CSW waxa uu yidhi, “Wali dadku khayr ayey ku sugan yihin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican, se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo, muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta. Maxaa soonka jabiya? In aad diinta ka baxdo, waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan, waxaana looga baahan yahay inuu dib u islaamo In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo In gabadha caadadu ka timaaddo In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaah maan iska jabiyaa) In aad si ula kac ah iskaga hunqaaciso In aad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si u kas ah In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com Tell: 063 440 85 03. 97 08 515 SheekhRakuub.wordpress.com
COMMENTS
|
Latest News
|