Maalmahanews.com
AXKAAMTA RAMADAANTA QORE: SH. CABDIRISAAQ CABDIRAXMAAN XASAN RAKUUB QAYBTII 1AAD
May 28, 2017 - Written by admin

Erayga ‘soon’ waa ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in aan la samayn, waana in aad xilli tirsan ka af xidhnaato cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda Carbeed waxa ay ka soo dheegtaan aayadda ka warramaysa Maryan Bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka in ay wax tilmaanto mooyee, ee tolkeedna su’aashii ku soo celceliyeen, ayey si kooban ugu tidhi, “Waxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.”

Culimadaasi waxa ay yidhaahdaan waxa ay ka joogsatay hadalkii ; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyada oo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.

 

Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaa diintu la’aantii noqonmayso mid dhammaystiran, waana tiirka afaraad ee Islaamka. Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay in ay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.

 

Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taa oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto in uu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga Abu Huraysa warinayo ee Bukhaari iyo Muslin soo saareen, “Waxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, soonka anigaa leh, anigaana ka abaal celinaya.”

 

Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa in ay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sida oo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya, se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.

 

Bishani maaha bil ugub ku ahayd soo saaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT. hase ahaate, waa bil la yaqaanay oo ergooyinkii hore ba ummadahooda fari jireen, Sida Alle SWT  yidhi, “Kuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyey loogu waajibiyey, si aad u baqataan.” Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo. Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT.

                                                                                

 

Waa ayo cidda  soonku ku waajiibayo?

 

  • Qofka  Muslinka ah
  • Qofka qaan-gaadhka ah, ( qof aan qaan-gaadh ahayn waajib kuma aha soon, se haddii uu karayo loo diidi maayo)
  • Qofka maskax ahaan caafimaadqaba.
  • Qofka jidh ahaan caafimaadqaba (qofka da’da ah, qofka xanuusanaya iyo haweenayda uurka leh ama jaqsiinaysa iyaga soon laguma laha)

 

 

Hadmaa la  soomayaa, maxaa se laga rabaa?

 

  • In la arko dhalashada bisha Ramadaan. Rasuulku CSW waxa uu yidhi aragti ku sooma, aragtina ku afura. Waxa kale oo uu yidhi haddii bishu idinka qarsoonto Shacbaan dhammaystirta.
  • Niyadda: Waa in niyad uu qofku la yimaaddaa oo uu go’aansadaa in uu soomayo. Rasuulku CSW wuxu leeyahay camal dhammaantii waa niyadda
  • In aad ka afxidhnaato cunista iyo cabbista (ahmiyadda ugu weyn ee soonku waa in anaad la iman cunis iyo cabbis).

 

 

 

 

Maxaa sunne ah?

 

  • In laga tago hadallada bilaa macnaha ah. Rasuulku CSW waxa uu lahaa qofka aan joojin hadalka bilaa macnaha ah Alle dan iyo muraad kama laha in uu sooman yahay iyo in kale. Waxaa halkaa laga fahmayaa in soonku u baahan yahay in laga ilaaliyo hadalka bilaa micnaha ah iyo kiisa xunba. Mar kale waa kii Rasuulku CSW lahaa, “Haddii lagu gardaraysto waan soomanahay dheh oo iska dhaaf.” Micnuhu waxa weeye soonkaaga ilaasho oo wixii cay iyo dagaal ah ka dheerow
  • In la dedejiyo afurka: Rasuulku CSW waxa uu yidhi, “Wali dadku khayr ayey ku sugan yihin inta ay dedejinayaan afurka.” Qorraxda marka la hubsado in ay dhacday waa in la afuraa oo aan dib loo dhigin lana dhayalsan
  • In dib loo dhigo suxuurta: Xadiiska aynu kor ku xusnay waxa ka mid ahaa in khayrku ku jiro in suxuurta dib loo dhigo, waana sunne fiican, se khayr kuma jiro qofku in uu cashada iyo suxuurta is raaciyo, muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta.

 

 

Maxaa soonka jabiya?

 

  • In aad diinta ka baxdo, waxa kale oo ka mid ah haddii qofku uu diinta caayo ama Alle iyo Rasuulkiisa caayo, soonkiisii iyo islaamnimadiisiiba way burayaan, waxaana looga baahan yahay inuu dib u islaamo
  • In aad cunis iyo cabbis u kas ah la timaaddo
  • In gabadha caadadu ka timaaddo
  • In aad niyadda ka jabiso (tusaale ahaan tidhaah maan iska jabiyaa)
  • In aad si ula kac ah iskaga hunqaaciso
  • In aad galmo la timaaddo maalin Ramadaan si u kas ah
  • In aad biyaha taranka gacantaada isaga keento ama si kale ba isaga keento.

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

COMMENTS
Latest News