Maalmahanews.com
Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee KULMIYE Oo Deeg Agab-ciyaareed ah Ku Gaadhsiiyey Magaalooyinka Berbera, Burco, Caynaba, Oodweyne Iyo Deegaamo Kale
May 27, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee KULMIYE Oo Deeg Agab-ciyaareed ah Ku Gaadhsiiyey Magaalooyinka Berbera, Burco, Caynaba, Oodweyne Iyo Deegaamo Kale
————————————————————————–
Burco:(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Hoggaanka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa Agab-ciyaareed uu xisbigu ugu talo-galay da’yarta ku hawllan mihnadda kubadda cagta, gaar ahaan bisha barkaysan ee Ramadaanta ku wareejiyey maamulka sare ee magaalooyinka Berbera, Burco, Caynaba, Oodweyne iyo Tuulooyin kale oo hoos yimaadda gobolka Togdheer.
Deeqdan oo iskugu jirta kubbado,koobab, billado iyo diraysyo, isla markaana uu xisbiga KULMIYE ugu deeqay dhallinyarada bisha barakaysan ee Ramadaanta kubadda cagta ciyaaraysa ee dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka, ayey garabka dhallinyaradu qaadeen qaybtii loo qoondeeyey qaar kamid ah gobollada Bariga, waxana ay si rasmi ah ugu wareejiyeen maamulka magaalooyinkaas.
Waftiga deeqdan siday oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi,, isla markaana ay ku wehelinayeen xubno kale oo garabka katirsani, ayaa agabkaas gacanta ka geliyey maamulka magaalooyinka Berbera, Burco, Caynaba, Oodweyne iyo tiro Tuulooyin ah oo hoos taga gobolka Togdheer oo ay maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ku marayeen.
Agabka ciyaareed oo uu xisbigu u qoondeeyey dhammaanba da’yarta ku dhaqan gobollada dalka, ayaa ah mid gaadhi doona goobihii loogu talo galay ee hore loogu qorsheeyey si tartannada ciyaareed ee Ramadaantu si habsami leh uga hirgalaan gobollada dalka oo dhan.

Image may contain: 6 people, people sitting and indoor
Image may contain: indoor
Image may contain: 5 people
Image may contain: 1 person, eyeglasses
Image may contain: 1 person
+5
LikeShow more reactions

Comment

COMMENTS
Latest News