Maalmahanews.com
QISO LAYAABLE
May 26, 2017 - Written by admin
QISO LAYAABLE

 

Waxey Noolasha Wadaageen isaga oo Caafimaad qaba, Lixdiisa Lixaadna ay u dhan yihiin, Nolol dheer oo Farxad iyo Raali ahaansha Rabbi ku dhisan ka dib waxaa soo gaaray Dhaawac Halis ah, wuxuuna waayey Qeybtii Dambe ee Dareenka jirkiisa.

Ayado Su’aalahaas la Weydiinaayo ayaa la yiri:- Noloshiina waa sidee madaama uu Hadda Zowjkaagu yahay Nin xununsanaya ?.

Jawaabteedu waxey noqotay Hadal Qiiro leh oo ahaa:- Nolasheena wey ka Macaan tahay Midii Shalay waayo tii Shalay illaah ayaa na siiyay, tan Maantana illaah ayaa Qadaray marka Alxamdulillah.

Intaa waxey Raacisay: Hadduu Zowjkeyga Xanuunsaday micnaheeda ma ahan in u Dhamaaday jaceylkii aan u qabay Shalay, mana ahan mid sidaas ku Dhamaan kara Xubiga aan u qabo Xabiibkeyga, Nolol walba aan kula Noolahay waan ku Qanacsanahay weliba si Niyad ah.

Ku Qanac tii Shalay uu rabbi ku siiyey, tan maantana ku Qanac sababto ah Maanta iyo Shalayba kuli Rabbi baa iska leh.

Noloshu ma ahan Qurux iyo Dhameystirnaan Hanti ee waa Qalbi Qurxoon iyo Raali ahaansho Eebe.

Eeboow Naxriistaada Noogu Deeq

COMMENTS
Latest News